Qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay gobolka Bari & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Af-urur oo ka tirsan gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaa ka dhacay laba Qarax oo is xigxiga.

Qaraxyada oo aad u xooganaa ayaa la sheegay in hoosta laga galiyay Kabar lagu iibiyo Qaad, waxaana sidaa ku qarxay miinooyinka.

Qaraxyada ayaa dhacay xili goobtaasi ay ku sugnaayen ciidamo ka tirsan maamulka, kuwaa oo halkaa ka iibsanaayay Qaad.

Mid kamid ah ciidamadii goobta ku sugnaaya ayaa warbaahinta u sheegay inay jiraan khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo soo kala gaaray ciidamo iyo dad shacab oo goobta ku sugnaa.

Waxa uu sheegay in dhimashada ay gaareyso ilaa 5 qof, khasaare dhaawac ahna uu jiro, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday goobaha caafimaadka.

Dhimashada ugu badan ayaa ka dhashay Qaraxii labaad oo dhacay waxyar un kadib markii ay dadku kusoo xoomeen dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii koowaad.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal Qaraxa, waxaana halkaa booqday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com