26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Sawirro: Qaraxyo loo soo waday magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxyo culus oo ay maanta ka hortageen ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaas oo la doonayay in lasoo galiyo gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidanka oo qaaday howlgal guuleystay ayaa gacanta ku dhigay qaraxyo nooca miinada ah oo Al-Shabaab ay usoo wadeen caasimada, si ay weeraro uga gaystaan.

Koonfur Galbeed oo ka hadashay howlgalkan ayaa sheegtay in qaraxyada lagu qabtay deegaanka Lambar Konton, isla markaana jab loo gaystay Al-Shabaab.

“Ciidamada Amniga Koonfur-galbeed iyo maamulka deegaanka Nambar 50 ayaa maanta ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan miinooyin ay Khawaarijtu u waday caasimadda dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howlgalkaas waxaa lagu jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo laga hortagay khatar weyn oo ay shacabka u geysan lahaayeen”.

Sidoo kale waxa ay Koonfur Galbeed u mahadceliyay ciidamada sameeyay howlgalka ee ka hortagay in qaraxyadaas la geeyo magaalada Muqdisho, si dadka loogu dhibaateeyo.

“Dowlada Koonfur Galbeed ayaa mahadcelin iyo bogaadin u dirtay geesiyaasha ciidamada amniga oo mar walba u taagan difaaca shacabka iyo dalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Shabeellaha Hoose oo badanaa ay weeraro kasoo abaabusho Khawaarijta ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo xoreyn ah, waxaana gobolkan ay dowladda u dirtay ciidan dheeraad ah, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News