25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Qatar oo shaaca ka qaaday go’aan lama filaan ah oo ay ku soo wargelisay Xamaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa sheegtay in Xamaas aysan qayb ka noqon doonin maamulka mustaqbalka ee Gaza, balse kooxdaasi aysan weli ka go’anayn hub ka dhigis shuruud la’aan ah.

“Jawaabta Xamaas ay na siisay waxay ahayd mid cad… waxay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan maamulka,” sidaa waxaa Arbacadii sheegay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, oo ka hadlayay munaasabad uu Golaha Xiriirka Dibadda (Council on Foreign Relations) ku qabtay magaalada New York City.

“Arrinta hubka, dhankooda (Xamaas) marka laga eego, waa mid waajib ku ah dhammaan kooxaha, ee ma ahan Xamaas oo keliya. Waxaan isku dayeynaa inaan ku cadaadinno inay gaaraan heer ay aqbalaan baahida loo qabo inay hubka dhigaan,” ayuu raaciyay.

“Waxaan u baahannahay inaan xaqiijinno badqabka Falastiiniyiinta iyo badqabka Israa’iiliyiinta. Taasi waa ujeeddada oo dhan ee ka dambaysa howlgalka hub ka dhigista,” ayuu yiri.

Qatar waxay ka mid tahay dammaanad-qaadayaasha xabbad-joojinta Gaza ee la saxiixay horaantii bishan, waxaana weheliya Mareykanka, Turkiga iyo Masar. Heshiiska waxaa hareeyay xadgudubyo, oo ay ku jirto diidmada Israel ee ah inay furto xarunta xuduudda ee Rafax iyo duqeymo cirka ah oo Israel ay ka geysatay marinkaasi.

Maalintii Talaadada, Israel waxay qaadday duqeymihii ugu khasaaraha badnaa ee ay ku garaacdo Gaza tan iyo markii la saxiixay xabbad-joojinta. Ugu yaraan 104 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, oo ay ku jiraan 46 carruur ah, xilli duqeymahaasi lala beegsaday magaalada Gaza, Khan Younis, iyo xeryaha qaxootiga ee ku yaalla bartamaha Gaza.

Israel ayaa ku eedeysay Xamaas inay jebisay xabbad-joojinta, iyadoo tusaale u soo qaadatay weerar la sheegay oo Talaadadii ka dhacay Rafax laguna qaaday ciidamadooda, halkaasi oo uu ku dhintay hal askari, iyo dib u dhac ku yimid wareejinta meydadka maxaabiis dhintay.

Thani wuxuu sheegay in weerarku ahaa “mid niyad jab leh oo laga xumaado”, wuxuuna intaas ku daray in Qatar ay diiradda saarayso dabcinta xiisadda iyo badbaadinta xabbad-joojinta.

Xamaas ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd toogashadii ka dhacday Rafax.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo la hadlayay suxufiyiin xilli uu safar ku marayay Bariga Aasiya, ayaa ku celiyay eedeynta Israel, balse wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in heshiisku uu sii jiri doono.

“Israa’iiliyiinta aargudasho ayay sameeyeen, waana inay sidaas yeelaan,” ayuu yiri Trump.

Qatar, Turkiga iyo Masar waxay kaalin mug leh ka qaateen ku qancinta Xamaas inay aqbasho xabbad-joojinta, halka Trump uu u muuqday mid cadaadis saaraya Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha iyo diblomaasiyiinta.

Israel waxay weli haysataa in ka badan kala bar Marinka Gaza, waxaana la-taliyaha Trump ahna wiilka uu soddogga u yahay, Jared Kushner, uu soo bandhigay fikrad ah in dib loo dhiso qaybta marinka ee ay Israel haysato, iyadoo qaybta ay hadda maamusho Xamaas loo daayo mid burbursan.

Mareykanka ayaa doonaya in wadamada Khaliijka ee Carbeed ay maalgashi ku sameeyaan dib u dhiska Gaza, balse waxaa jira caddeymo yar oo muujinaya inay hadda diyaar u yihiin bixinta dhaqaalahaasi.

Markii la weydiiyay arrinta ku saabsan haysashada ay Israel weli ka waddo Gaza, Thani wuxuu soo xigtay qorshihii xabbad-joojinta ee Trump ee ka koobnaa 20-ka qodob.

“Marka la eego qorshaha Madaxweyne Trump, qodobbada ugu waaweyn waa soo afjaridda dagaalka, inaanay jirin haysasho (ciidan), iyo inaanay jirin goosasho (dhul). Kuwani waa saddex mabaadi’ oo asaasi ah,” ayuu yiri.

“Ugu dambeynta, waa inay isaga baxaan marka ay yimaadaan ciidamada caalamiga ah ee xasilinta,” ayuu raaciyay.

Mareykanka ayaa hadda Qaramada Midoobay ka diyaarinaya qaraar uu ku doonayo wakiilasho oggolaanaysa in ciidamo nabad ilaalin ah oo Carbeed iyo Muslimiin ah la geeyo Gaza, sida ay wargeyska Middle East Eye u sheegeen saraakiil Mareykan ah iyo kuwo Carbeed oo hadda xilal haya iyo kuwo hore.

Mareykanka ayaa si dhow ugala tashanaya UK iyo Faransiiska qaab-dhigaalka qoraalka, kaasoo ay u badan tahay inaan lagu soo qaadi doonin xalka labada dowladood ama dowladnimo Falastiini ah, sida uu Middle East Eye u sheegay diblomaasi Carbeed oo wada-hadalladaasi lagu wargeliyay.

Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in caasimadaha dalalka Carabta ay filayaan in horumarku uu degdeg u socdo kaddib marka uu Ruushku bisha Nofeembar ku wareejiyo guddoonka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Iyadoo Mareykanku u muuqdo mid aan diyaar u ahayn inuu bixiyo kharashka dib u dhiska Gaza ama saadka ciidamada nabad ilaalinta, waxay u badan tahay inuu aad ugu tiirsanaan doono Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Bishii Sebtembar, Israel waxay magaalada Doha ku weerartay wadahadalsiiyeyaal ka tirsan Xamaas. Dalka Qatar waxaa ku yaal al-Udeid, oo ah saldhigga cirka ee Mareykanka ugu weyn Bariga Dhexe. Weerarkaasi Israel ee noociisa aan hore loo arag wuxuu si weyn u gilgilay gobolka Khaliijka.

“Weerarkaasi wuxuu ahaa mid naxdin leh,” ayuu yiri Thani, isagoo raaciyay in dadka reer Qatar ay si weyn u saameysay naxdinta ka dhalatay. Lix qof ayaa ku dhimatay duqeynta, oo uu ku jiro sarkaal amni oo u dhashay Qatar, kaasoo Thani uu sheegay inuu mar ka soo shaqeeyay safaaradda Mareykanka.

Thani wuxuu sheegay in weerarkaasi uu “saameeyay udub-dhexaadka hab-dhismeedka amniga gobolka”, isagoo xusay “in weerar kaga yimaada dal xulafo la ah Mareykanka aysan ahayn wax la qiyaasi karay”.

Maamulka Trump ayaa u degdegay inuu xakameeyo cawaaqib-xumada ka dhalatay weerarka. Trump wuxuu saxiixay amar fulineed oo uu ku ballan-qaaday inuu difaacayo Qatar haddii ay dhacaan weerarro kale, maamulkiisuna wuxuu galay heshiis cusub oo duuliyeyaasha dagaalka ee Qatar lagu tababarayo saldhig militari oo Mareykanka uu ku leeyahay Idaho.

Weerarkaasi kaddib, Trump wuxuu la kulmay hoggaamiyeyaal Carbeed iyo Muslimiin ah xilli uu socday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. In kasta oo Trump uu dhegaha ka fureystay qaar ka mid ah dalabyadooda, oo ay ku jirtay in Maamulka Falastiiniyiinta loo daayo hoggaanka maamulka Gaza, haddana wuxuu kulanka kaddib Israel ku cadaadiyay xabbad-joojinta.

Thani wuxuu sheegay in weerarkii Doha uu ahaa marxalad muhiim ah oo horseedday dadaallada lagu gaarayay xabbad-joojinta Gaza.

- Advertisement -

Read more

Local News