Qatar’ oo u qeylo’ dhaamineysay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) โ€“ Qatar ayaa xoogga saaraysa muhiimadda ay leedahay caawinta farsamo ee joogtada ah ee lagu taageerayo xuquuqda aadanaha Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga siiyo taageero farsamo joogto ah, taas oo lagama maarmaan u ah kor u qaadista awoodaha xuquuqul insaanka ee dalka.

Qatar waxay sheegtay in taageeradan farsamo ay Soomaaliya ka caawin doonto gudashada waajibaadkeeda qaran iyo kan caalami ah, iyadoo si waafaqsan u ilaalinaysa qawaaniinta caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda aadanaha.

Jassim Ibraahim Al Malki, Xoghayaha Saddexaad ee Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa hadalkan ka sheegay intii lagu guda jiray kulan Soomaaliya ay ku soo bandhigtay tallaabooyinka ay u qaaday horumarinta xuquuqul insaanka.

Waxaa ka mid ahaa tallaabooyinkaasi dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah habraaca ilaalinta xuquuqaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Al-Malki ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso caqabado kala duwan oo saamaynaya xasilloonideeda iyo koboca dhaqaalaheeda, taas oo u baahan in beesha caalamka ay si wadajir ah uga jawaabto.

Wuxuu xusay in beesha caalamka ay ku waajib tahay in ay gutaan masโ€™uuliyadda ka saaran taageeridda hannaanka qaran ee la xiriira xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Xoghayaha Saddexaad ayaa sidoo kale tilmaamay in dhinaca biniโ€™aadannimada, Soomaaliya ay xilligan wajahdo saameynta abaarta, cunno yari iyo barakac gudaha ah.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay jawaab celin caalami ah oo isku duuban, taas oo isku xirta taageerada degdegga ah iyo istaraatiijiyado horumarineed oo bulshada u dhisaya adkeysi mustaqbalka.

Al-Malki ayaa ugu dambayn xaqiijiyey in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto bixinta taageerada biniโ€™aadannimo, gargaarka iyo horumarinta, iyadoo iskaashi wax ku ool ah la yeelanaysa Qaramada Midoobay, isla markaana muujinaysa sida ay uga goโ€™an tahay taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News