Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” Madaxweynaha maamulka Galmudug kana mid ah musharaxiinta u taagan qabashada hogaanka maamulka Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Mr. Qaybdiid wuxuu sheegay in dadka wada dagaalamaya ay yihiin dad walaalo ah oo hal deegaan kasoo jeeda, balse dagaalkaan uu yahay mid ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin sida uu hadalka u dhigay.
Inkastoo uusan cadeynin siyaasada gadaal ka riixaya dagaalka, hadana wuxuu sheegay inaysan wanaagsaneyn in dadka Gobolada dhexe kasoo jeeda aan lagu jahwareerin xilligaan siyaasad, loona baahan yahay in loo madax banaaneysiiyo Maamul usameynta Gobolada dhexe.
Madaxweynaha Galmudug, ayaa ku baaqay in si deg deg ah dagaalkaasi loo joojiyo si loo baajiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ku daadanaya, wuxuuna culimadda iyo waxgaradka kasoo jeeda Gobolka ugu baaqay inay waan-waan labada dhinac ka dhexbilaabaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa ugu baaqay hay’adaha Samafalka inay ka shaqeeyaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Guriceel ee ku dhibaateysan duleedyada Magaaladaasi.
Xaalada Magaalada Guriceel ayaa ah mid degan, xilli shalay dagaal saacado badan qaatay uu halkaasi ka dhacay, dhinacyadii ku dagaalamayna khasaaro kala duwan uu soo gaaray.
Dagaalka Guriceel ayaa udhaxeeya ciidamada Dowladda iyo Garab ka mid ah Ahlu Sunna oo ku dagaalamaysa gacan ku haynta Magaalada Guriceel.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]