25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

QM oo si deg deg uga hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey R/W Saacid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) War qoraal ah oo goordhow ka soo baxay xafiiska danjiraha gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka uu qaatay baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo maanta codka kalsoonida kala noqday raysal wasaare Saacid iyo xukuumadiisa.

Kay ayaa yiri: “Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maareeyo si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan baarlamaanka”, ayuu yiri.

“Hay’adaha Dowladda Soomaaliya waxay gaarayaan bisayl. Qaramada Midoobayna waxay halkan u joogtaa inay taageerto horumarkooda, waxayna ku hanweyntahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso hay’adaha cusub. Ra’iisal Wasaaraha jagada ka degaya, Shirdoon, shaqo adag ayuu ka qabtay siduu u horumarin lahaa kobaca iyo horumarka, wuxuuna qayb muhim ah ka cayaaray sameynta Heshiiskii Hiigsiga Cusub ee dhexmaray bulshada caalamka iyo Soomaaliya.”

Danjire Kay wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in degdeg loo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub sida ugu dhaqsiyaha badan si loo sii wado horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in Madaxweynuhu uu yeelan doono wadtashi buuxda ka hor intuusan soo xulanin Ra’iisal Wasaaraha cusub. Waxaa dhammaanteena dani noogu jirtaa in Ra’iisal Wasaaraha iyo dowladda cusub ah ahaadaan kuwo ballaaran oo loo wada dhanyahay, oo dalka mideyn kara, awoodna u leh inay Soomaalida u keenaan waxay u baahanyihiin – oo ah nabad, sharci iyo kala dambeyn, kobac dhaqaale iyo adeegyo guud oo wanaagsan.” ayuu markale yiri Kay.

Ugu dambeyn warka qoraalka ee ka soo baxay xafiiska danjire Key ayaa sidoo kale lagu guubaabiyay Baarlamaanka Federaalka inuu dadaal weyn bixiyo isagoo eegaya danta guud oo horumar ka sameeyo sharci-dejinta iyo hawlaha kale ee dastuuriga ah ee dalku degdega ugu baahanyahay.

“Sanadaha soo socda, waxaa muhim ah in Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxtooyadu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah u wada shaqeeyaan iyagoo si buuxda u dhowraya Dastuurka Federaalka ee Ku Meelgaarka ah, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News