Q/Midoobe oo laashay dalab-kii Ethiopia xilli ay Soomaaliya iyo dalal kale la safteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Qaramada Midoobay ayaa gaashaanka ku dhufatay dalab ay dowladda Ethiopia ku doonaysay in la hakiyo dhaqaalaha la siiyo khubarada ka tirsan golaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha ee ka howl-gal gudaha dalkaas.

Dalabkaan oo cod loo qaaday ayaa waxa gaashaanka ku dhuftay 71 dal, halka ay 32 dal oo kale ay taageereen dalabka Ethiopia ee ahaa in la joojiyo kharashka ku baxa baarayaasha khubarada caalamiga ee tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Tigrey.

Dalalka diiday dalabkaan dowladda Ethiopia yaa waxa kamid ahaa inta badan dalalka Reer Galbeedka, ayadoo Qaaradda Afrika uu dalka Botswana oo keliya diiday.

Sidoo kale dalalka isbarbar taagay mowqifkaan ayaa badankooda waxay kasoo jeedaan Qaarada Afrika, waxaana dalalkaasi kamid ah Soomaaliya, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Eritrea.

Madasha cod-bixintaasi waxaa ka maqnaa 50 dal oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeda dalalka Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dalalka Masar iyo Liibiya.

Waxa kale oo xusid mudan in dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaguna u codeeyeen in la joojiyo kharajka guddigaasi, oo xaruntooda dhexe ku taallo magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.

Dowladda Ethiopia ayaa hore waxay ugu eedeysay guddiga khubarada baarayaasha caalamiga (ICHREE) inay siyaasadeeyaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Ethiopia.

Ethiopia ayaa waxay had iyo jeer dalban jirtay in kharajka laga joojiyo guddigaan tan iyo markii uu golaha Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha magacaabeen guddigaasi bishii December ee sanadkii 2021-kii