Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala dooranaya musharixiin u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 23 ruux.
Xubnaha beesha caalamka ee kusugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada maalinta beri ah ka dhaceyso magaalada Muqdisho.
Waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan doorashada ka dhaceyso magaalada Muqdisho iyaga oo ka digay in la isku dayo musuq lagu sameeyo doorashada beri dhaceyso.
Qoraal kasoo baxay qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay korjoogto ka noqonayaan doorashada madaxweynaha dalka ee beri ka dhaceyso magaalada Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu cadeeyay in ciqaab adag uu la kulmi doono qof kasta oo isku daya inuu laaluush iyo musuq maasuq ka dhex sameeyo xarunta ay doorashada madaxweynaha ka dhaceyso.
Waxay sheegeen inay la shaqeyn doonaan gudiga anshaxa doorashada oo ay ku jiraan aqoonyahano Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]