New York (Caasimada Online) Ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in beesha caalamka ay aad uga naxeen shaqada ay iska casishay guddoomiyihii Bangiga dhexe Yusra Abraar oo muddo toddobaad wax kadan xilkaas loo dhiibay iyo xafiiska uu baneenayo raysal wasaaraha kalsoonida ka waayay baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Danjire Kay oo ka hadlaayay shir uu lahaa Golaha loo dhan yahay ayaa sheegay in is-casilaaddii Yusur Abraar ay dhaawacday kalsoonidii ay deeq-bixiyeesha caalamka ay ku qabeen dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Wuxuu kaloo sheegay in go’aankii ay baarlamaanka kalsoonida kala labteen xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid iyo shaqo ka tagistii madixii hay’ada xagga lacagta ugu sarreysa Soomaaliya ay caqabad ku kala noqdeen hawlihii dowladda iyo deeq bixiyayaasha kuwaa oo lacago fara badan ku shubi jiray khasnadda dowladda Soomaaliya.
Danjiraha ayaa ku celceliyay in labadaas xaaladood ay keeneen su’aallo waaweyn oo beesha caalamka ilaa hadda ay u la’dahay jawaabo waafi sida uu yiri.
Dajiraha ayaa tallaabo geesinimo ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu durba u magacaabo xilka guddoomiyaha baanka dhexe si KMG ah nin arrimahaas ku xeel dheer oo ah Bashiir Ciise Cali.
Hadalka danjire Key ayaa muujinaya in weli beesha caalamka ay ka naxsadan tahay labada arrin ee isku dhawaa ee ka dhacay Muqdisho.
1- Waa ta horre waxaa ilaa hadda jawaab aan lagu qancin laga bixin sababta keentay in ay is casisho haweeneydii ugu horreysay ee loo dhiibo xilka guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya.
2- Arrinta labaad ee ilaa hadda laga yaaban yahay ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ay is qabteen madaxweynaha in baarlamaanka ay ka diddaan in uu ka jawaabo eedeedoo loo soo jeediyay xukuumadiisa deetana isagii xilka laga qaaday.
Si kastaba, waxaa hubaal ah in arrintan ay dowladda Soomaaliya oo hadda uun wax yer ku darsatay muddadii sannadka ku noqon doonto dharbaaxo culus, waxaa kaloo soo baxaya in beesha caalamku ay weli cabsi ka qabaan arrimaha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Paris