QM oo soo fara gelisay maamul u sameynta magaalada Kismaayo.

Arrinta maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa weli waxa ay tahay kubbad dhex taal diilinta dhexe ee garoonka, ayada oo dhinacyo badan ay arrintaas ku lug yeelanayaan.

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qaramada Midoobe ay soo fara gelisay arrintaas, gaar ahaan xafiiskeeda qaabilsna Somalia ee UNPOS ee uu madaxda ka yahay Augustine Mahiga.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in maanta oo Jimce ah, ay magaalada Kismaayo caga dhigan doonto diyaarad ay saaran yihiin wafti ka socda QM, oo ay suurta gal tahay inuu ku jiro Augustine Mahiga.

Waxaa diyaaraddaasi ay ka bixi doontaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waftiga QM ayaa la kulmi doona saraakiisha Kenya ee halkaasi jooga iyo madaxda dadka deegaankaa, si looga hadlo maamul u sameynta Kismaayo.

Waxaa jira warar sheegaya in Mahiga uu walaac ka qabo in halkaas laga dhiso maamul ay Dowladda Ethiopia u arki karto inay qatar kala kulmeyso.

Shalay oo khamiis ahayd ayaa magaalada Kismaayo waxaa laga sameeyay howl gal ballaaran oo lagu xiray dad gaaraya ilaa 400 oo qof, isgaarsiinta magaaladana hawada ayaa laga saaray, si loogu diyaar garoobo waftiga ka socda QM, ammaankana loo sugo.