30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 19, 2026

QM oo war ka soo saartay xiisadda Soomaaliya, farriin u dirtay mucaaradka iyo DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ku booriyay inay sii wadaan wada-hadallada, kaddib markii shirarkii u dambeeyay ee heerka sare ahaa ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Afhayeen ku-xigeenka Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in Guterres uu “si dhow ula socdo xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya,” gaar ahaan wada-hadalladii dhowaan dhexmaray labada dhinac.

“Wuxuu soo dhoweynayaa rabitaanka labada dhinac ee ah inay wada-hadal galaan,” ayuu yiri Haq, isagoo intaas ku daray in xoghayaha guud uu ku dhiirrigelinayo “inay sii wadaan wada-hadalka, si heshiis looga gaaro jihada loo wajahayo doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.”

Baaqan ayaa yimid kaddib wada-hadallo Muqdisho ka dhacay intii u dhexeysay 13-kii illaa 15-kii May, kuwaas oo aan wax horumar ah laga gaarin khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadeed ee la xiriira.

Wada-hadallada ayaa ku soo aaday xilli uu sii xoogeysanayo muranka ka dhashay jadwalka doorashooyinka, isbeddellada dastuurka iyo qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.

Mucaaradka ayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inay waddo qorshe doorasho oo hal dhinac ah, halka dowladda ay ku adkeysaneyso in doorasho toos ah ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay ka gudubto hannaankii doorashooyinka dadban ee muddada dheer lagu soo dhaqmayay.

Khilaafka ayaa sidoo kale salka ku haya fasiraado kala duwan oo laga bixiyay muddada xilka hay’adaha dowladda. Mucaaradka ayaa ku doodaya in isbeddel kasta oo doorasho lagu saleeyo wadatashi iyo dhexdhexaadin madax-bannaan, halka dowladda federaalka ay sheegtay in geeddi-socodka doorashooyinka lagu sii wadi karo qaab-dhismeedka dastuuriga ah ee dib loo eegay.

Baaqa Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadayaa xilli ay socdaan dadaallo xooggan oo ay wadaan xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaas oo doonaya in markale fursad loo siiyo wada-hadallada u dhexeeya labada dhinac, kadib markii shirarkii u socday toddobaadyadii lasoo dhaafay ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wakiillo ka socda beesha caalamka ay weli xiriirro gaar-gaar ah la leeyihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si loo abuuro jawi dib loogu ambaqaado wadaxaajoodka hakadka galay.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa horey ugu baaqay in la sii wado wadahadallada, isaga oo labada dhinac ku boorriyay inay muujiyaan tanaasul siyaasadeed iyo daacadnimo, si looga gudbo caqabadaha hortaagan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Beesha caalamka ayaa si weyn uga walaacsan suurtagalnimada in khilaafka siyaasadeed ee hadda jira uu saameyn ku yeesho amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya, haddii aan xal deg-deg ah laga gaarin muranka taagan.

- Advertisement -

Read more

Local News