27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Qodobada dastuurka ee kala qeexaya awoodaha M/weynaha & R/wasaaraha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Iyada oo uu khilaafka dhex jira Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon u muuqdo mid aan wali la xallin, ayuu dastuurka Soomaaliya waxa uu si cad u qeexaya awoodaha u dhexeeya labada xafiis ee dawladda iyo kaalinta barlamaanka marka ay jiraan khilaafaadkan oo kale.

Qodobka 100-aad eedastuurka Soomaaliyaayaa ra’iisul-wasaaraha siinaya awoodda in “uu magacaabo ama kala diro Golaha Wasiirada” isla markaana “uu barlamaanka horkeeno Golaha Wasiirrada iyo barnaamijka xukuumadda si uu u helo oggolaanshahooda”.

Qodobka 90-aad ayaa madaxweynaha siinaya awoodda “magacaabidda ra’iisul-wasaaraha” laakiin uunan ku eryi karin. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa la siiyay awoodda “uu ku kala diri karo xukuumadda federaalka [oo ka kooban ra’iisul-wasaaraha iyo Golaha Xukuumadda] haddii ayan helin codka kalsoonida ee looga baahan yahay”. Qodobka 90-aad ayaa sidoo kale madaxweynaha siinaya awoodda uu “ku kala diri karo wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha iyo wasiir ku-xigeennada haddii uu soo jeediyo sidaa ra’iisul-wasaaraha”.

Qodobka 69-aad ayaa Aqalka Ummadda ee Barlamaanka Federaalka siinaya awoodda aqbalaadda ama xil ka qaadista ra’iisul-wasaaraha. Waxa uu leeyahay Barlamaanku waxa uu awood u leeyahay ” in uu codka kalsoonida siiyo Golaha Wasiirradda, iyo mashaariicda xukuumadda, oo lagu gaaro aqlabiyadda cod-dheeriga ah tirada guud ee xubnaha (50% lagu daray 1) ama in uu “codka kalsooni kala noqoshada u qaado ra’iisul-wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa ama ku-xigeennadiisa” iyada oo loo marayo isla qaabkaas.

Xildhibaannada Soomaaliya oo hadlay

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in khilaafka uu ku salaysan yahay sida isbaddal loogu samaynayo maamulka. Waxa uu sheegay in ra’iisul-wasaaruhu doonayo in uu isku shaandhayn ku sameeyo maamulka, halka uu madaxweynuhu doonayo in uu ra’iisul-wasaaruhu is casilo si markaa uu u soo magacaabo ra’iisul-wasaare cusub.

Yuusuf wax a uu sheegy in ra’iisul-wasaaruhu uu a wood uga haysto dastuurka in uu isku shaandhayn ku sameeyo golaha xukuumadda, laakiin waxa waajib ah in uu barlamaanka u horkeeno si loo ansixiyo.

Waxa uu sidoo kale caddayn ka bixiyay in “madaxweynuhu uu magacaabi karo ra’iisul-wasaaraha hase yeeshee uunan wax awood dastuuri ah u lahayn in uu waydiisto ra’iisul-wasaaraha in uu istaqaalad keeno”.

“Shaqada ra’iisul-wasaaraha waa in uu dhiso xukuumadda oo uu horgeeyo barlamaanka si loo ansixiyo laakiin ma aha in uu oggolaasho uga raadiyo madaxweynaha sida ku xusan qodobka 100-aad ee dastuurka,” ayuu yiri Yuusuf.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa sheegay in isaga iyo saaxiiibadii ay la kulmeen madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha, oo ay mid walba u sharaxeen dhinaca ay ka taagan yihiin muranka.

“Ra’iisul-wasaaruhu waxa uu noo sheegay in madaxweynaha iyo isagu ay isku hayaan arrimo dastuuri ah, oo ku saabsan sida loo magacaabayo golaha wasiirrada, sida wasiirkan aniga iigu dar iyo wax la mida,” ayuu yiri Yuusuf, isaga oo sharxay in markii ay madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaruhu ku guul daraysteen in ay fahmaan isku shaandhayntana, madaxweynuhu waxa uu ra’iisul-wasaaraha waydiistay in uu is casilo.

“Ra’iisul-wasaaraha waxa uu doonayaa in ay si wadajir ah ugu tagaan barlamaanka oo ay qaddiyadahaas ku xalliyaan si sharci ah, halka uu madaxweynaha doonayo in uu ra’iisul-wasaaruhu is casilo iyada oo aan la isla aadin barlamaanka,” ayuu yiri Yuusuf.

Xidhibaan Cabdiraxamaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in ay la tahay in ay sharci-darro tahay in ra’iisul-wasaaruhu magacaabo golaha xukuumadda isaga oo aan haysan oggolaashaha madaxweynaha.

“Ra’iisul-wasaaruhu wax xaq ah uma laha in uu magacaabo wasiirrada oo uu u gubiyo barlamaanka. Waa in ay marka hore madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaruhu isku raacaan liiska wasiirrada,” ayuu yiri, inkasta oo taasi ka hor imaanayso qodobada kor ku xusan.

“Haddii ayan isku raaci karin, meesha ugu dambaysa ee ay labada hoggaamiye ku xallin karaan khilaafkoodu waa barlamaanka,” ayuu yiri, wuxuuna raaciyay in khilaafka labada hoggaamiye isku hayaan uunan ku salaysnayn dastuurka, laakiin uu yahay muran siyaasadeed.

Khamiistii (14-kii November), ayuu Afhayeenka Barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho waxana uu ugu yeeray xildhibaannada in ayan kutiri kuteen ka fidin khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye.

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in barlamaanku uu xallin doono muran kasta oo yimaada, waxana uu sidoo kale ku boorriyay dadka Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan barlamaanka.

“Haddii uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhexeeya hoggaamiyayaasha dalka, ugu horreeyn waa in ay ka wada hadlaan khilaafkooda oo isku dayaan in ay xalliyaan,” ayuu yiri Jawaari. “Haddii ay taa ku fashilaan, markaa waa in barlamaanka qaranka uu go’aanno gaaraa waayo sababta ugu wayn ee barlamaanka loo dhisay waa in uu xalliyo khilaafaadka caynkan oo kale ah.

Halkan ka aqriso dastuurka oo dhameystiran

Isha: Sabahi Online

- Advertisement -

Read more

Local News