24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 13, 2025

‘Qof iyo Qori’ – Mucaaradka Xasan ma waxay doorteen rabshado iyo dagaal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu caansan mucaaradka Soomaaliya ayaa kiciyey xiisad siyaasadeed oo xooggan, kaddib markii uu qoray hadal u muuqda mid ku baaqaya in dowladda hub lagula dagaallamo, isagoo dadweynaha ugu yeeray inay qoryaha qaataan halkii ay codkooda ka dhiiban lahaayeen doorashooyinka taariikhiga ah ee dalka kusoo wajahan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wasiir hore ahna hoggaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee Wadajir, ayaa baaqan muranka dhaliyey soo dhigay bartiisa Facebook Talaadadii. Qoraalka waxaa la socday sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isku diiwaan-gelinaya codbixinta, wuxuuna uga falceliyey qoraal u dhignaa “Qof iyo Qori.”

Qoraalka ayaa jawaab jees jees ah u ahaa doorashada “Qof iyo Cod” ee dowladda ay waddo, kuwaasi oo mucaaradka iyo dowladda ay isku khilaafsan yihiin.

Baaqa Warsame waxaa si degdeg ah u cambaareeyey mas’uuliyiinta dowladda, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah, iyo falanqeeyeyaasha siyaasadda, iyagoo ku tilmaamay kicin khatar ah oo rabshado horseedi karta, kuna soo beegmaysa xilli uu dalku horeyba ula daalaa-dhacayey kacdoon dhiig badan ku daatay iyo heshiisyo siyaasadeed oo jilicsan.

Jawaabta dowladda waxay ahayd mid degdeg ah oo adag. Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si toos ah hadalka hoggaamiyaha mucaaradka ah ugu barbar dhigay kan maleeshiyaadka argagixisada ah.

Al-Shabaab baa qori dadka ugu hanjaba,” ayuu Fiqi ku qoray jawaab uu suu dhigay facebook. “Codaynta dadkana qori ma bedeli karo, siyaasigii doorta inuu qori qaatana waxba kama duwanaanayo hogaamiye kooxeed.”

“Kani ma ahan kaliya khilaaf siyaasadeed; waa baaq bareeer ah oo rabshado loogu yeerayo dadka,” ayuu falanqeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan, Axmed Xasan Guuleed, u sheegay Caasimada Online. “In shakhsi miisaankiisa leh uu si furan ugu ololeeyo qori halkii cod laga dhiiban lahaa waa isku day halis ah oo lagu carqaladaynayo geeddi-socodka siyaasadeed, wuxuuna dhiirigelin karaa kooxaha hubeysan.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur kama uusan laaban hadalkiisa illaa hadda, qoraalkiisuna wuxuu weli ku jiraa baraha bulshada, isagoo sii hurinaya dood kulul oo ka dhex socota Soomaalida isticmaasha internet-ka.

Sidoo kale, Isbahaysiga mucaaradka ayaan weli iska fogeyn hadalka Cabdiraxmaan Cabsihakuur, taasi oo loo arki karo in ay ku raacsan yihiin.

Khilaaf siyaasadeed oo soo jireen ah

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerkii ugu sarreeyey ee xiisadda siyaasadeed ee muddada dheer u dhaxaysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Warsame, oo ah siyaasi ruug-caddaa ah oo soo qabtay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa ahaa musharrax madaxweyne oo joogto ah iyo dhaleeceeye cod kar ah oo ka dhan ah dowlad walba oo dalka soo marta.

Mucaaradnimadiisu waxay inta badan ahayd mid kulul, laakiin falanqeeyeyaashu waxay aaminsan yihiin in hadalkiisii ugu dambeeyey uu ka gudbay xadkii mucaaradnimada siyaasadeed, uuna gaaray heer lagu kicinayo kacdoon hubeysan.

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaashiisa ayaa ku doodaya in hadalkiisu uu ka tarjumayo niyad-jab qoto dheer oo laga qabo geeddi-socodka doorashada, oo ay ku andacoonayaan inay is-daba-marinayso dowladda talada haysa.

Muddo tobannaan sano ah, Soomaaliya waxay ku tiirsanayd nidaam doorasho oo dadban oo ku dhisan awood-qaybsi beeleed, kaasoo loo yaqaan “nidaamka 4.5.” Nidaamkan, odayaasha dhaqanka iyo ergada beeluhu waxay soo doortaan xubnaha baarlamaanka, kuwaasoo iyaguna doorta madaxweynaha.

Isku-mari-waa siyaasadeed oo sii xoogaysanaya

Khilaafkan wuxuu imaanayaa xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku jira muddo xileedkiisii labaad ee aan isku xigin, uu wado dib-u-habeyn lagu dhisayo dowladnimada, oo ay ku jiraan u-wareegidda nidaamka madaxtooyada iyo hirgelinta doorashooyin toos ah.

Si kastaba ha ahaatee, dib-u-habayntaasi waxaa si adag uga horyimid mucaaradka. Axaddii, Madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa soo gebagebeeyey wareeggii afaraad ee wada-hadallo xasaasi ahaa iyagoon xal ka gaarin xiisadda siyaasadeed ee sii kordhaysa ee ku saabsan isbeddellada. Waxay kaliya ku heshiiyeen inay mar kale kulmaan dhammaadka toddobaadkan, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Kulankii Axadda ee ka dhacay madaxtooyada Villa Somalia ayaa is-hor-fadhiisiyey Madaxweynaha iyo Madasha Badbaadada Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi mucaarad ah oo miisaan culus leh, kaasoo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Guul-darrada in heshiis la gaaro ayaa sii dheeraynaysa isku-mari-waaga khatarta ah ee dowladda federaalka ka horkeenay isbahaysi mideysan oo mucaarad ah iyo dowlad-goboleedyo awood leh.

Baaq hubeysan oo ka dhacay dal xaalad cakiran

Baaqa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah in muwaadiniintu ay is-hubeeyaan ayaa si gaar ah walaac weyn u keenaya marka la eego xaaladda amni ee Soomaaliya. Dowladda federaalka, oo ay taageerayaan Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa kula jirta dagaal dhiig badan ku daatay oo muddo dheer soo jiray kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaeda, kana talisa qeybo badan oo ka mid ah dhulka miyiga ah.

Isku-mari-waaga siyaasadeed iyo hadallada kicinta ah waxay imaanayaan xilli ciidamada dowladda ay la kulmayaan culeys sii kordhaya oo ka dhashay kacdoonka Al-Shabaab oo ka sii daraya gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waday howlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada, si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay sii waddaa inay weerarro dilaa ah ku qaaddo bartilmaameedyada militariga iyo kuwa rayidka ah.

Saraakiisha amniga ayaa si hoose u muujiyey walaac ah in kicinta siyaasadeed ee heerka sare ah ay carqaladayn karto dadaallada lagula dagaallamayo fallaagada ayna abuuri karto isku-dhacyo cusub oo gudaha ah.

“Hadallada dhiirigelinaya faafinta hubka ee dadka rayidka ah waxay si toos ah u wiiqayaan amniga qaranka, waxayna u adeegayaan danaha kooxaha fallaagada ah sida Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga ee Muqdisho. 

- Advertisement -

Read more

Local News