Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Galmudug, oo ah mashruuc muhiim u ah horumarinta adeegyada loo fidiyo bulshada xoolo-dhaqatada ah.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, madaxda wasaaradda iyo marti sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay hirgelinta mashruucan iyo doorka uu ku yeelan doono horumarinta waaxda xoolaha.
Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo dowladda Galmudug ay ku xoojinayso hay’adaha bixiya adeegyada dadweynaha, si loo kordhiyo tayada adeegyada iyo hufnaanta shaqada dowladda.
Wuxuu xusay in mudnaanta la siinayo waaxaha la xiriira horumarinta xoolaha, ilaalinta deegaanka, dhirta iyo daaqa, maadaama ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha deegaannada Galmudug isla markaana door muhiim ah ka ciyaaraan nolol-maalmeedka bulshada.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay xoogga saareyso horumarinta qeybaha wax soo saarka, isaga oo sheegay in maalgelinta lagu sameynayo wasaaradaha muhiimka ah ay saldhig u tahay dhismaha Galmudug casri ah oo leh adeegyo tayo leh iyo hay’ado si hufan u shaqeeya.
Qoor-Qoor ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariicda horumarineed ee kor u qaadaya adeegyada bulshada, isla markaana xoojinaya awoodda hay’adaha dowladda si ay u gutaan waajibaadkooda.
Dhismaha cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa la filayaa inuu kor u qaado tayada adeegyada loo fidiyo xoolo-dhaqatada, isla markaana ka qeyb qaato horumarinta wax soo saarka xoolaha iyo kobcinta dhaqaalaha Galmudug.









