26.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Qoraalka Kenya oo abuuri kara xiisad Kale “Somalia waa dal cadow nagu ah”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in lagu amrayo safiirka Somalia ee Kenya inuu dib dalkiisa ugu laabto, waxaana loo yeeray safiirka Kenya muddo u joogay Soomaaliya.

Ka sokow arintaasi waxaa Kenya ay warsaxaafadeedkeeda ay ku adeegsatay erayo ad adag oo saameyn weyn ku yeelan kara xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu horeya in qoraalka lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal cadow ku ah Kenya.

Sidoo kale Qoraalka Kenya waxay ku sheegtay in Soomaaliya ay xaraashtay Shidaalka ku jira biyaha lagu murunsanyahay, waana erayga labaad ee adag ee lagu adeegsaday qoraalka kasoo baxay dowladda Kenya.

Marka la eego hanaanka diblumaasiyadeed ee labo dowlo waxaa marka horeysa si hoose la iskuugu diraa warqado cabasho ah, haddii marxaladaa laga gudbo, waxaa fariin toos ah dowladda loogu dhiibaa safiirka wakiilka ka ah, waxaa kadib xigta in warqad toos loogu diro wasaaradda arrimaha dibadda, kadibna ayaana arinta banaanka la keenaa marka marxaladaasi oo dhan wax laga qaban waayo.

Dadka falanqeeya xiriirka diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in dowladda Kenya lagu qabsan karo erayga “Dal cadow ku ah Kenya”, kaasi oo la sheegay inuu lamicno yahay inay ku xigo karto duulaan lagu qaado dalka eedaasi oo kale loo jeediyay.

Xiriirka Kenya iyo Somalia ayaa walaac weyn abuuri kara, marka la eego sida ay iskugu wanaagsanaayeen labada dowladood labadii sano ee lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News