Paris (Caasimada Online) – Diblomaasi sare oo Israa’iili ah ayaa u sheegay Middle East Eye in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu si dhab ah ugu ololeynayo aqoonsiga dowlad Falastiini ah, arrintaasna ay taageero ka haysato inta badan waddamada Midowga Yurub iyo boqortooyada Sacuudiga.
Alon Pinkas, oo horey la-taliye uga ahaa afar wasiir arrimo dibadeed oo Israa’iili ah islamarkaana soo noqday qunsulka guud ee Israel ee New York, ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu “ka walaacsan yahay maadaama uu ogyahay in taageerada Donald Trump ay tahay mid jilicsan oo aan la isku halleyn karin.”
“Midowga Yurub iyo Mareykankaba waxay raadinayaan arrin ay si wadajir ah uga shaqeeyaan si ay u yareeyaan xiisadaha,” ayuu yiri Pinkas. “Waxaad u baahan tahay hal ama labo hoggaamiye Yurub ah oo Trump dejin kara kuna qancin kara inuu fikirkaasi yahay mid isaga ka yimid.”
Faransiiska, oo ka mid ah 46 ka mid ah 193-ka xubnood ee Qaramada Midoobay ee aan weli aqoonsan dowlad Falastiini ah, wuxuu arrintan la wadaagaa dalal kale oo reer Galbeed ah sida UK, Mareykanka iyo Australia.
Haatan, Faransiiska wuxuu wado olole uu ku doonayo in waddamada Yurub iyo Australia, gaar ahaan UK, Belgium iyo Netherlands, ay aqoonsadaan dowlad Falastiini ah intii lagu guda jiro shir Qaramada Midoobay ah oo uu Faransiisku la martigelinayo Sacuudiga bishan June ee magaalada New York.
Paris waxay rajeynaysaa in aqoonsiga dowlad Falastiini ah uu dib u soo noolayn karo geeddi-socodka nabadda isla markaana uu dardar gelin doono hindisaha xalka laba-dowladood.
“Ad-adaygga Israel ee wax kasta ka dhanka ah”
Pinkas, oo si joogto ah u dhaliila Netanyahu, ayaa sheegay in ololeyaasha Macron ee dhinaca aqoonsiga ay sidoo kale ka tarjumayaan “daal iyo niyad-jab guud oo laga qabo Israel sabab la xiriirta ad-adaygga ay ka muujiso wax kasta.”
Sanadkii hore, dalalka Spain, Norway iyo Ireland ayaa aqoonsaday dowlad Falastiini ah.
Israel waxay cambaareysay tallaabooyinkaas, iyadoo ku tilmaantay abaal marin la siiyay kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta.
Toddobaadyadii u dambeeyay, dalal Yurub ah oo ay ka mid yihiin UK iyo Faransiiska ayaa si cad u muujiyay hadallo adag oo ay Israel kula hadlayaan, inkastoo ay weli taageero siiyaan dagaalka ay ka waddo Gaza.
Pinkas wuxuu u sheegay Middle East Eye in mowqifka Midowga Yurub ee dagaalka Gaza uusan si dhab ah isu beddelin, balse uu noqday mid “si cad u muuqda oo aan maldahanayn.”
Wuxuu xusay in inkastoo aysan jirin taageero muuqata oo gudaha Israel ama baarlamaanka Knesset ka jirta oo ku aaddan dowlad Falastiini ah, haddana beesha caalamka ay tahay inay Israel la yimaaddaan fariin leh: “Annaga ayaa idin la saaxiib ah, guushiina waan doonaynaa, tanina lama sii wadi karo… Netanyahu wuxuu idiin horseedayaa masiibo aan la xakameyn karin. Kaca, annagaa idin la jirna.”
Shir jaraa’id oo uu Macron ku qabtay Singapore Jimcihii ayuu markale ku celiyay in Faransiiska ka go’an yahay in la gaaro xal siyaasadeed, isagoo markale taageero u muujiyay xalka laba-dowladood ee khilaafka u dhexeeya Israel iyo Falastiin.
“Xayiraadda bani’aadannimo waxay abuuraysaa xaalad aan la qaadan karin,” ayuu yiri Macron.
“Haddii aan jawaab dhab ah laga bixin xaaladda bani’aadannimo saacadaha ama maalmaha soo socda, si cad, waxaa khasab nagu noqon doonta inaan adkeyno mowqifkeena wadajirka ah,” ayuu raaciyay, isagoo intaas ku daray in Faransiisku uu tixgelin karo cunaqabateyn la saaro dadka degan dhulka ay Israel xoog ku haysato.
Inkasta oo diblomaasiyiintu sheegeen in madaxweyne Macron uu u janjeero dhinaca aqoonsiga dowlad Falastiini ah, haddana Paris wali ma qaadin tallaabooyin muuqda oo ay si toos ah ugu wajahdo Israel oo wali dagaal ka wadda Gaza.
Macron wuxuu u muuqdaa inuu xiriir wanaagsan la leeyahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo Pinkas sheegay inuu kaalin ka ciyaari karo sidii cadaadis loogu saari lahaa Israel isagoo la kaashanaya waddamada Yurub.
Mar wax laga weydiiyay muuqaal baraha bulshada si weyn loogu faafiyay oo muujinaya xaaskiisa Brigitte oo si ula kac ah u wejiga uga rifeysa, Trump wuxuu ku jawaabay: “Waa fiicanyihiin, labadooduba waa dad wanaagsan. Aad baan u garanayaa.”
Goobaha gargaarka ee la militariyey
Israel ayaa toddobaadkii hore sheegtay in ay si qayb ahaan ah u fududeysay xayiraaddii 11 toddobaad socotay ee gargaarka Gaza, balse gargaar aad u yar ayaa gaaray dhulka Falastiiniyiinta, iyadoo dad rayid ah lagu dilay goobaha cusub ee gargaarka oo ay maal-gelinayaan Mareykanka iyo Israel, halkaas oo Falastiiniyiintu ku ciriiriyaan xeryo xiran oo goobo ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa sheegtay in sheegashada ah in Gaza lagu hayo xayiraad bani’aadannimo ay tahay “been cad”.
Waxay sheegtay in ku dhowaad 900 gaari oo gargaar ah ay galeen Gaza tan iyo markii la fududeeyay xayiraadda, isla markaana nidaamka cusub ee Mareykanku taageerayo uu qaybiyay laba milyan oo cunto ah iyo kumannaan xirmooyin gargaar ah.
“Balse halkii uu cadaadis saari lahaa kooxaha argagixisada jihaad-doonka ah, Macron wuxuu rabaa inuu ku abaalmariyo dowlad Falastiini ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay wasaaraddu soo saartay oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.
Hay’adda Islamic Relief ayaa Isniintii bayaan ay soo saartay ku cambaareysay nidaamka cusub ee gargaarka, iyadoo sheegtay in “xasuuqyadii lagula kacay dadka raadinaya raashin aan laga aamusi karin.”
“Sadex bilood kadib markii Israel adkeysay go’doonka Gaza, carruur, dhallaanka iyo waayeel Falastiini ah ayaa u dhintay gaajo, halka waalidiin quus ah la toogtay iyagoo isku dayaya inay helaan raashin goobaha cusub ee si milatari ah loo maamulo,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Haddii beesha caalamka aysan si degdeg ah cadaadis wax ku ool ah u saarin Israel si ay u joojiso go’doonka, u furto dhammaan xuduudaha, isla markaana u oggolaato gargaar bani’aadannimo oo ballaaran, ammaan ah oo aan carqaladeysnayn, dad badan oo kale ayaa u dhiman doona gaajo iyo cudurro,” ayay raacisay hay’addu.