Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Somalia Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay kullankii golaha wasiirada ayaa sheegay in guddiga Amnigu ay ku guda jiraan shaqo badan oo ku aadan sidii loosoo gabo gabeyn lahaa baarista la xiriirta dhacdadii Hotel Central ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga ayaa tilmaamay in natiijooyinka horu-dhaca ah ay tilmaamayaan qaraxaasi in laga soo abaabulay gudaha Hotelka oo ay aad u maleegtay haweenaydii halkaas isku qarxisay (Luul Axmed) oo muddo ka shaqeynaysay Hotelka.
“Wasaaradda Amnigu waxay diyaarisay qaab siyaasadeed la xiriira sugidda iyo hubinta amniga, qorshahan wuxuu saameyn doonaa Hotellada, goobaha Ganacsiga iyo meel walba oo laga shakiyo si amniga dalka guud ahaan loo xaqiijiyo. Waxaa baaritaan lagu sameynayaa baabuurta, waxaa ka qeyb qaadan doono saddex waaxood oo kamid ah ciidamada amniga, si loo hubiyo wax walba oo laga shakiyo. Baaristan waxay saameyn ku yeelan doonto cid kasta oo gaadiid hubaysan wadata, waxay hay’adaha sirdoonku dabagal buuxa ku sameynayaan cid kasta oo looga shakiyo in uu ku lug leeyahay kooxaha Argagixisada” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Sidoo kale, Kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Caafimaad Marwo Xaawo Xasan Maxamed, waxana ay sheegtay in Wasaaradda Caafimaadka ay sameysay guddi gurmad deg deg ah oo loogu talagalay in ay la tacaalaan dadkii waxyeeladu kasoo gaartay weerarki Hotel Central.
“Wasaradda Caafimaadka waxay maalmahan ka shaqeynaysay in ay tiro koob dhab ah ka keento dadkii ku jiray Isbitaallada dhaawacyada la geeyay, Isbitaal Madiina waxaa la geeyay 27 qof, waxaa ka baxay Isbitalka oo la daaweyay 17 ruux, mid kamid ah waxaa loo wareejiyay Isbital Digfeer, dadkii halkaa la geeyay hal qof ayaa dhintay. Sidoo kale Isbitaalka Digfeer dadka loo qaaday 19 qof ayey ahaayeen 12 qof ayaa ka baxay oo la daaweeyay, 7 qofna waa jiifaan wali, kuwa dalka wax looga qaban waayayna waa 7 qof, waxaana loo qaadi doonaan dalka dibediisa gaar ahaan dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo gacan nagu siinayay” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]