Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wada qorshe uu xildhibaan caan ah oo kasoo jeeda Beesha Ogaadeen ku soo sharxayo.
Qorshaha Shariif Xasan ayaa markii hore ahaa inuu xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka hoose u sharxo xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig, laakiin waxaa culeys weyn uga yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana hadda socda loo wareejiyay xildhibaan kale.
Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen oo dhowaan xilka Aqalka hoose ka soo galay magaalada Baydhaba ayaa la sheegay inuu Shariif Xasan u soo bandhigay isbaheysi siyaasadeed oo keena inuu isu sharxo guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka.
Shariif Xasan ayaa u sharxan madaxweyne, waxaana uu olole ugu jiraa inuu Beesha Daarood ku riixo xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya si ay markaas ugu suuragasho beelaha Digil iyo Mirifle inay tartan u galaan xilalka madaxweynaha ama Ra;iisal wasaaraha Soomaaliya.
Xildhibaan C/wahaab Khaliif ayaa hore u soo noqday Ra’iisal wasaare ku xigeen, wuxuuna saaxiib dhow la yahay madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Jubbaland iyadoo aan la ogeyn sida uu ku aqbali karo qorshahan.
Qorshahan oo Shariifka ka fashilmay sanadkii 2012 markii uu guddoomiye Baarlamaan u soo sharxay Cali Khaliif Galeyr ayaa mar kale ciyaaraya Qamaar siyaasadeed oo aan la ogeyn inuu ku guuleysan doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]