Gaza (Caasimada Online) – Warbixin xasaasi ah oo uu daabacay wargeyska Haaretz ee Israa’iil ayaa daaha ka rogtay in hay’ad qarsoodi ah oo Israa’iili ah ay waddo hawlgallo mugdi ku jiro oo duulimaadyo looga qaadayo dadka Falastiiniyiinta ee ku go’doonsan Marinka Gaza, kuwaas oo la sii marinayo Garoonka Ramon ee koonfurta Israa’iil, si loogu daad-gureeyo dalal shisheeye.
Maalintii Khamiista, dawladda Koonfur Afrika ayaa oggolaansho dal-ku-gal (visa) oo ku meel-gaar ah siisey 153 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ka soo kicitimay dalka Kenya si ay magangalyo u weydiistaan Koonfur Afrika.
Dadkan ayaa markii hore laga hor-istaagay inay dalkaas galaan sababo la xiriira dokumeentiyadooda safarka oo aan dhammaystirnayn iyo baasabooradooda oo aanay ku oollin shaabadihii rasmiga ahaa ee bixitaanka.
Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in laamaha sirdoonka dalkiisu ay faraha ku hayaan baaritaan la xiriira cidda rasmiga ah ee ka dambaysa diyaaradda sida gaarka ah loo soo kiraystay ee dadkan ka soo dejisay magaalada Johannesburg.
Ganacsiga dadka iyo gacanta dawladda Israa’iil
Sida uu qoray Haaretz, urur uu maamulo nin lagu magacaabo Tomer Janar Lind, oo haysta dhalashada labada dal ee Israa’iil iyo Estonia, ayaa dadka Gaza ka iibiya kuraasta duulimaadyadan lacag dhan $2,000, isagoo u ballan-qaadaya inuu u dhoofin doono dalal fog-fog oo ay ka mid yihiin Indonesia, Malaysia, iyo Koonfur Afrika.
Wargeysku waxa uu intaas ku daray in Lind uu wada-shaqayn dhow la leeyahay unug milatari oo Israa’iili ah, kaas oo u xilsaaran fududaynta barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta iyo hirgelinta duulimaadyadan qarsoodiga ah.
Shabakadda ururkan ayaa sheegatay in la aasaasay sannadkii 2010-kii, xafiisyana ku leedahay Bariga Quddus. Hase yeeshee, baaritaan qoto dheer oo wargeysku sameeyey ayaa lagu ogaaday in ururkan dhab ahaan laga diiwaangeliyey dalka Estonia, isla markaana uu ku shaqeeyo magaca shirkad la-talin oo dhalanteed ah.
Telefishinka Al-Jazeera oo baaray cinwaanka ay sheegteen oo ah xaafadda Sheikh Jarrah ee dhulka la haysto, ayaa xaqiijiyey inaanu jirin wax xafiis ah oo halkaas ku yaal.
“Websaydka ururka ee almajdeurope.org waxaa la diiwaangeliyey bishii Febraayo ee sannadkan oo keliya, inta badan xiriirada (links) ku dhex jiraana meelna ma geeyaan. Xitaa iimaylka ay ku xarriiqeen bogga waa mid aan shaqaynayn,” ayay tiri Al-Jazeera, iyadoo intaas ku dartay in shirkadda Namecheap ee diiwaangelisay boggan ay tahay mid hore loogu eedeeyey inay gabaad u noqoto falalka khiyaanada dhanka internet-ka.
Dad badan oo isku dayey inay adeeggan isticmaalaan ayaa lagu amray inay lacagaha ku shubaan xisaabaad banki oo shakhsi ah, halkii ay ka isticmaali lahaayeen xisaab rasmi ah oo hay’addu leedahay.
Wadada loo maro qaxootinimada
Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in Waaxda “Hijrada Iskoodka ah” (Voluntary Emigration Bureau) ee Wasaaradda Difaaca Israa’iil ay hawlaha hay’addan ku xirtay hay’adda milatariga ee COGAT, si loo maamulo bixitaanka Falastiiniyiinta. Lind, in kasta oo aanu dafirin lugta uu ku leeyahay duulimaadyadan, haddana waa uu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah.
Warbixintu waxay tibaaxday in duulimaadyo badan oo ay soo kiraysay hay’addani ay bilihii u dambeeyey ka kicitimeen Garoonka Ramon, iyagoo sida kooxo reer Gaza ah. Tani waxay muujinaysaa in aanay arrintu ahayn dhacdooyin goos-goos ah, balse ay tahay hanaan nidaamsan oo kor loogu qaadayo tirada dadka laga saarayo Marinka Gaza.
Mid ka mid ah duulimaadyadan ayaa ahaa diyaarad laga leeyahay dalka Romania, taas oo 57 Falastiiniyiin ah ka qaadday Gaza una duulisay Budapest, Hungary, ka hor intii aanay u sii gudbin Indonesia iyo Malaysia.
Dhanka kale, wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa baahiyey in ururka la baxay “Al-Majd” uu mas’uul ka ahaa daad-guraynta in ka badan 150 Falastiiniyiin ah. Ururkan ayaa ku andacoonaya inuu caawinayo “Bulshooyinka Muslimiinta ah ee ku nool deegaannada colaaduhu ragaadiyeen.”
Saraakiil milatari oo Israa’iili ah oo diiday in magacooda la xuso ayaa wargeyska u sheegay: “Israa’iil ayaa galbisay basaska dadka siday laga soo bilaabo bar-kulanka gudaha Gaza ilaa marinka Kerem Shalom, halkaas oo basas kale ay ugu sii qaadeen Garoonka Ramon ee saxaraha Negev.”
Faarujinta Gaza iyo walaaca caalamiga ah
Qarsoodiga iyo mugdiga ku gedaaman duulimaadyadan ayaa walaac weyn ku abuuray hay’adaha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ka digay in tani ay qayb ka tahay istiraatiijiyad ballaaran oo Israa’iil ay ku doonayso inay ku barakiciso dadka reer Gaza.
Saraakiisha socdaalka ee Koonfur Afrika ayaa Al-Jazeera u sheegay: “Diyaaradda oo ay saarnaayeen dad buuxaa waxay garoonka dhex fadhiday muddo 12 saacadood ah, xilli masuuliyiintu ay isku dayayeen inay fahmaan sababta dadkani aanay u haysan shaabadihii bixitaanka ee Gaza.” Dadka la socday diyaaradda ayaan xitaa hubin meel ay u hoydaan iyo muddada ay joogayaan.
Madaxweyne Ramaphosa oo ka hadlayey dhacdadan ayaa yiri: “Kuwani waa dad reer Gaza ah oo si mucjiso ah lagu soo saaray diyaarad soo martay Nairobi, halkanna timid… Waxay u muuqataa in si qorshaysan looga soo dhib-saarayo (flushed out) dhulkooda.”
Oroub el-Abed, oo ah professor wax ka dhigta Jaamacadda Birzeit, ayaa arrintan ku tilmaantay “Qayb ka mid ah hannaankii gumeysiga ee soo jireenka ahaa, waana hab nidaamsan oo lagu dhaxal-wareejinayo dadka asalka ah ee Falastiin, iyadoo la adeegsanayo waddooyin kala duwan.”
Sheekooyin been abuur ah iyo xaqiiqada jirta
Websaydka Al-Majd ayaa lagu arkay “Sheekooyin Guul” ah oo been abuur ah. Tusaale ahaan, sheeko ku saabsan gabar la yiraahdo “Mona” oo ka soo jeedda Aleppo, Syria, ayaa taariikhdeedu ku beegan tahay Maarso 2023—in kasta oo websaydka laftiisa la diiwaangeliyey 10 bilood uun ka hor. Sawirka loo adeegsaday sheekadaas ayaa dhab ahaan ah Abeer Khayat, oo sawirkeeda laga qaaday Tripoli, Lebanon sannadkii 2024.
Loay Abu Saif, oo ka mid ahaa dadkii la socday duulimaadkan, ayaa sheegay inuu xayaysiiska ka helay baraha bulshada, islamarkaana aanu ogeyn xilliga bixitaanka ilaa maalin ka hor safarka.
“Waxaa naloo sheegay inaan qaadan karno kaliya shandad yar, telefan iyo xoogaa lacag ah,” ayuu yiri. Qoyskiisa waxaa la mariyey baaritaanno dhanka ammaanka ah, waxaana la geeyey garoonka Ramon iyadoo aan baasabooradooda wax shaabad ah lagu dhufan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa digniin culus u dirtay dadka reer Gaza, iyadoo uga digtay shabakadahan ka shaqeynaya inay dadka ka barakiciyaan guryahooda iyagoo u adeegaya danaha Israa’iil.
Sida ay sheegtay Yedioth Ahronoth, ku dhawaad 40,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ka baxay Gaza tan iyo markii uu bilowday xasuuqa Israa’iil, halka in ka badan 69,000 oo qofna la dilay, iyadoo tirada dhaawacuna ay dhaaftay 170,700.
Israa’iil ayaa hore wadahadallo ula yeelatay dalal ay ka mid tahay Koonfurta Suudaan si loogu wareejiyo dadka Falastiiniyiinta ah, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha lagu faaruqinayo dhulka.

