25.1 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

Qorshe ka dhan ah Netanyahu oo ka dhex bilowday Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Magaalooyinka ay Israa’iil gacanta ku hayso ayaa laga bilaabay olole ka dhan ah qorshaha Xukuumadda Benjamin Netanyahu ee lagu qafaalayo dhallinyarada Yuhuudda xagjirka ah, si khasab ahna loogu dirayo dagaalka uu doonayo inuu dib u bilaabo.

Qorshahan ayaa abuuray caro iyo muran xooggan oo gudaha Israa’iil ka dhashay, iyadoo dad badan ay ku eedeeyeen dowladda in ay ku tumanayso xuquuqda dhalinyarada oo aan la siin doorasho.

Wararka kasoo baxaya warbaahinta ku hadasha afka Cibriga ayaa sheegaya in mudaaharaadyo ballaaran laga sameeyay xarumaha lagu tababaro ardayda baranaysa diinta Yuhuudda ee mayalka adag.

Dadka mudaaharaadaya ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in dhalinyarada lagu qasbo dagaal aan dan guud laga lahayn, balse lagu adeegsanayo siyaasad iyo dano gaar ah.

Macallimiin ka tirsan goobahaas ayaa sidoo kale isku dayay inay ardayda ka hor istaagaan ka qaybgalka dagaallada, maadaama la sheegay in boqolaal dhallinyaro ah lagu qasbay inay dagaalka ku biiraan.

Qaar ka mid ah macallimiintaas ayaa ku andacooday in dagaalka uu Netanyahu wado uusan ahayn mid diimeed, balse uu yahay mid siyaasadeed oo dhaawacaya mustaqbalka dhalinyarada.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii dhallinyaro Yuhuud ah oo diidan dagaalka ay si qarsoodi ah uga baxsadeen xeryaha ciidamada Israa’iil, halkaas oo lagu amray inay ka qaybqaataan dagaalka ka dhanka ah Falastiin.

- Advertisement -

Read more

Local News