Qorshe uu keenay Muuse Biixi oo horseeday in dib loo furo wada-hadalladii Caare

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wada-hadaladii hore u fashilmay ee Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Jabhada Korneyl Caare, ayaa dib u bilowday kadib qorshe cusub oo uu Muuse Biixi u dhiibay guddigii dhex-dhexaadineysa Korneyl Caare.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Guddigii dhex-dhexaadineysay Xukuumadiisa iyo Caare, u sheegay inuu diyaar u yahay inuu cafiyo Korneyl Caarre, haduu u sameeyo qorshe cusub oo Biixi u dhiibay Guddidaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa Guddiga dhex-dhexaadinta u dhiibay qorshe ah in uu Korneyl Caare ka baxo dalka, isla markaana u safro dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Turkiga, isagoona soo codsan doona cafis uu Biixi balan qaaday fulintiisa.

Biixi ayaa cadaadisyo badan oo ku gadaaman darteed si toos ah u cafin karin Hogaamiyaha Jabhadda Dulmi-diid ee Korneyl Caare, taasi badalkeedana uu rabo in uu qorshahaasi ku cafiyo Korneyl Caare, isagoona balan qaaday bixinta kharashka ku baxaya safarkaasi, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Guddiga dhex-dhexaadinta ee Biixi u direy Ceerigaabo.

Guddiga dhex-dhexaadinta Muuse Biixi iyo Korneyl Caare oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa ayaa u kicitamay magaalada Ceerigaabo, si ay Caare ugu soo bandhigaan qorshahan cusub ee uu Biixi ku rabo inuu u maro cafintiisa.

Madaxweyne Biixi ayaa hore u sheegay inuu cafis u fidiyay dhamaan Ciidamada la joogta Korneylka, isagoona ka muquurtay cafiska Korneylka oo uu sheegay in cafinta Korneyl Caare loo baahanyahay in la raaco sharciyad, isagoona markaasi xusay in ciidamada iyo saraakiishoodu ay kala kiis yihiin.

Ilaa iyo hadda si dhab ah uma cada in Guddigu ay ku soo qancin doonaan qorshahaasi oo uu aqbali doono Korneyl Caare, midaasi oo uu Madaxweyne Biixi ku rabo inuu dalka dibadiisa uga safro Caare, isla markaana uu cafis u fidin doono markuu soo weydiisto.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sanadihii u dambeeyay wajaheysay Jabhado dhowr ah oo ka dilaacay deegaanadeeda, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeday hab maamulka Muuse Biixi.