Qorshihii Janan ee Gedo oo fashilmay, 3 sabab dartood

Doolow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu fashil ku yimid qorshaha wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Nuur (Janan), kaas oo dhowaan dib ugu laabtay gobolkaas, isaga oo uu wehlinayay Senator Fartaag.

Janan oo doonayey inuu markale dib u soo ceshado awooddii uu mar ku lahaa Gedo ayaa waxaa haatan dhicisoobay qorshihii uu maalmo ka hor u tagay gobolkaasi.

Midda koowaad ee fashilisay ayaa ah in qaar kamid ah ciidamadii uu ku abaabulay gudaha degmada Doolwoay ayla goosteen hubkii uu siiyay, isla-markaana ay tageen degmada Beledxaawo, ayaga oo gabaad ka dhigtay xero ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Janan oo sameeyay dadaallo kala duwan laga diiday dalab ah in askarta iyo hubkaba markale dib loogu soo celiyo gacantiisa.

Sidoo kale qorshaha labaad ee fashiliyay damacii Janan ee ahaa inuu markale gacanta ku dhigo Gedo ayaa ah in saraakiisha ciidamada dowladda oo uu xiriir la sameeyay ay ka biyo diideen abaabulkiisa, isla-markaana ay u sheegeen in xittaa aysan siin karin magan-gelyo.

Arrimaha kale ee ka horyimid ninkan waxaa ka mid ah in la kala fur-furay xulafadiisii, wuxuuna waayey Senaor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la tegay Gedo, kaas oo hadda si deg deg ah looga yeeray magaalada Muqdisho, kadib dacwad uu ka gudbiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland,Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse madaxda Jubbaland ayaa doonaya inay dhinac isaga ridaan arrinta Gedo, si loo soo afjaro xiisada muddada soo socotay.