28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Qorshihii ugu weynaa ee mucaaradka oo dhicisoobay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshaha xubnaha la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo indhawaanahan ku howlanaa abaabulka dibadbax ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh ayaa dhicisoobay, kadib markii dib loo dhigay laba jeer oo isku xigta.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqato in siyaasad ahaan ay ka adkaatay mucaaradka, iyada oo laba jeer si xeeladeysan uga baajisay inay dhigaan dibadbaxooda.

Kulan ay xalay yeesheen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madasha Mucaarad iyo Guddiga Dhex-dhexaadinta ayaa ugu dameyn la’isku afgartay in dib loo dhigo banaanbaxa markii labaad, iyadoo horey loo baajiyay banaanbixii kan ka horeeyay.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la magacaabo gudi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu gaaray in aan magaalada lagu dhex wadan karin hubka waaweyn, halka gaadiidka (Cabdi-Bileyaasha) ay wataan xubnaha mucaaradka la diiwaangelin doono.

“Iyadoo la qaddarinayo duruufaha amni ee soo kordhay, xilna la iska saarayo amniga caasimadda, waxaa la isku afgartay in la saaro guddi ka kala socda Madasha iyo Dowladda oo ka wada shaqeeya sidii mudaharaadku ugu dhici lahaa si nabad ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xubnaha mucaaradka ku metalayay shirka.

Haddaba arrintan ayaa dhalisay in dadku ay si weyn uga falceliyaan, iyaga oo siyaabo kala duwan uga hadlay guul-darrada ku dhacday mucaaradka.

Xuseen Cali: “Xubnihii Madasha ku haray xikmaddii waa ka sii yaraanaysaa, maalin walba umadda horteeda ayay ku ceeboobayaan”.

Aadan Amiin: “Shimbirayahow heesa Madaxweyne Xasan Sheekh rag dheh, kuwa kalana been boodayaal dheh”.

Cabdullahi Jibaax: “Hadeyba suurtagal tahay in banaanbaxa iyo qaabka uu u dhacayo aad ka heshiisaan sababta banaanbaxa keeneysana maad ka heshiisaan!”.

Xasan Kiimiko: “Shacabkii baa idin nacay markaas ayaa mar marsiiyo keenteen”.

Mustaf Maxamed: “Wadankaan ciyaal weero oo dhibaato lagu qabay ayaa meel la saaray mala socotaan?”.

Cabdicasiis Daahir: “Maadaama shirkiina aad ku qabsateen Nairobi banaanbaxana meeshaas ku qabsada, duco la’idiinku daraa”.

- Advertisement -

Read more

Local News