Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, Wasiirka amniga Somalia ayaa daboolka ka qaaday inay ku howlan yihiin qorsho isbedel loogu sameyn doono ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee ”NISA”.
Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, waxa uu tilmaamay in Hay’adda loo rogi doono ciidamo dhar cad ah, isla markaana laga guuri doono ciidamada labisan.
Waxa uu Ducaale sheegay in arrintaasi ay uga gol leeyihiin dib usoo celinta maqaamka Sirdoonka Somalia, iyadoo la tixraacayo sida ay ku shaqeyn jirtay dowladii dhexe ee Somalia.
Wuxuu sheegay in Hay’adda laga fogeyn doono Hubka qoryaha ah oo ay wataan ciidanka, Gaadiidka dagaal iyo dharka ciidanka oo ay ku labisan yihiin.
Wasiirka amniga ayaa sheegay ammaanka Magaalada Muqdisho dowladda inay u sameysay qorshe cusub oo amniga si weyn loogu xaqiijin doono.
Ciidanka NISA ayaa qaabka hadda ay ku shaqeeyaan waxa ay tahay inay hubaysan oo ciidanka Magaalada jooga laga dhex garto, halka ciidamada dharcadka ee NISA ay yihiin kuwa aad u yar oo aanan sidaasi u badneyn.
Geesta kale, Wasiir Ducaale ayaa ballanqaaday in ciidamada dhar cadka ee lagu daadin doono dhammaan magaalada iyo Gobolada loo dhameystiri doono xuquuqda.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

