25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

Qoyska Caaqil Cumar oo arrin cajiib ah ka sameeyay goobtii lagu dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Badhan (Caasimada Online) – Qoyska Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo dhawaan lagu dilay duqeyn diyaarad ayaa goob xusuus ah ka dhisay goobtii lagu dilay caaqilka.

Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag ayaa xilliga la dilay kusii jeeday degmada Badhan, isagoo kasoo baxay deegaanka Ceelbuh.

“Waxaannu u dhisnay xusuustan in la illoobin dilkii xaq-darrada ahaa ee loo geystay Caaqil Cumar Cabdullaahi,” ayuu yiri nin la dhashay Caaqil Cumar oo duqeyn lagu dilay 13-kii bishii hore ee September, 2025.

Duqeynta Caaqilka oo loo badinayo inuu fuliyay Mareykanka, oo isagu shaaciyay in isla maalintaas uu duqeyn ka fuliyay gobolka Sanaag, taasoo taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda uu sheegay in lagu beegsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan oo xiisad xooggan ay ka dhalatay ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo.

Inkastoo taliska AFRICOM uu sheegay inuu duqeyn ka geystay Sanaag, balse ma shaacin magaca ninka la dilay iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

Beesha uu kasoo jeeday Caaqilka ayaa dilka kadib maamulka Puntland ka dalbatay jawaab dhameystiran, iyadoo shaacisay in talo guud ka yeelan doonto dilkii AUN Caaqilka Cumar, haddii uu maamulka xog lagu qanci karo ka bixin weerarkan.

“Madaxda dhaqanka, aqoonyahanka iyo culimada diinta ee gobollada Sanaag, Haylaan iyo galbeedka gobolka Bari iyaga oo ku hadlaya afka bulshadaas, kana duulaya xilka iyo waajibaadka masuuliyiinta dowladda Puntland ka saaran amniga guud ee dalka, ilaalinta bedqabka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah waxay madaxweynaha iyo dhammaan golayaasha maamulka ka dalbanayaan inay jawaab dhakhso ah kasoo bixiyaan,” ayaa lagu yiri bayaan ay markaasi si wadajirka ah u soo saareen odayaasha dhaqanka, aqoonyahan iyo culimada beesha Warsangeli.

Dilka Caaqilka ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay banaanbaxyo xooggan oo ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo looga soo horjeedo duqeyntii lala beegsaday.

Si kastaba, ehellada Caaqilka oo iyana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Caaqilka uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagixisada, iyagoo dalbaday in loo caddeeyo cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday caaqilka.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay marxuumka.

Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News