R/W KHAYRE oo hal arrin u tegaya Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Qaban qaabada iyo soo dhowenta Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka laga dareemayaa gudaha maaladaasi, iyadoo sidoo kale si aad loo xoojiyey amniga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online socdaalka Khayre ayaa la xariiro kaliya xaqiijinta heshiiskii ay dhowaan dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dusha kala socon doono dhismaha Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo soo xulista xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo kala duwan uu la qaato hoggaanka Ahlu Sunna, madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si xal waar looga gaaro tabashooyinka weli jira.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaya marar badan dib ugu laabtay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo dadaal ku bixinaya dhismaha maamulkaasi oo muddo soo jiitamayey, kadib khilaafaad ka dhashay.

Doorashada Galmudug, gaar ahaan mida madaxweynaha ayaa lagu wadaa in la qabto bilowga bisha dambe iyadoo haatan ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay.