25.4 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

R/W Kheyre oo hal arrin ku amaanay MichaelĀ KeatingĀ 

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kaalin weyn ay QM ka qaadatay qaboojinta colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in Ergayga QM u qaabilsan Somali MichaelĀ KeatingĀ uu u dhabar adeegay xalinta colaada, balse aanu wali si rasmi ah loo xalin dagaalka.

Waxa uu Mr Kheyre cadeeyay in MichaelĀ KeatingĀ iyo xubnaha kale ee QM ka jooga Somalia ay yihiin kuwo u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyadoo uu ujeedku yahay sida looga gudbi lahaa colaada Tukaraq.

ā€œQM wey qaadatay kaalinteeda waxaanu culeyska ku saarnay inay xal degdeg ah ka dhex abuuran labada dhinac, anaguna dhankeena ayaan ka wadnay, xal toosa wali lagama gaarin colaada balse waxaa noo muuqda in leysku fahmay joojinta colaadaā€

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in colaada Tukaraq uu xalkeeda gaaray 90% halka inta harsan ay ku dadaali doonaan sida lagu dhameystiri lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay warbixin kooban oo uu ka bixinaayay safarkiisa magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News