25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Xamza oo guul weyn ku tilmaamay doorashadii shalay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee shalay la doortay.

Xamza ayaa marka hore xubnahan ugu hambalyeeyay xilka culus ee ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu matalaan danahooda ku aaddan wax-wada-qabsiga urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in doorashada xildhibaannadani ay tahay guul muhiim u ah Soomaaliya, taas oo muujinaysa doorka uu dalkeennu ku leeyahay ururrada iyo siyaasadda gobolka bariga Afrika.

Mudane Xamza ayaa ku dhiirri-geliyay xildhibaannada cusub in ay si firfircoon uga shaqeeyaan difaaca danaha, iyo horumarinta codka Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dadaalaan xoojinta xiriirka, mideynta iyo horumarka gobolka.

Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadajir ah oo ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ku doortay xubnaha Soomaaliya ku metalaya baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Doorashadaas oo qaadatay saacado ayaa waxay mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka ku doorteen 9-ka xubnood ee Soomaaliya ay ku yeelan doonto baarlamaanka bulshada bariga Afrika. Xubnaha la doortay ayaa waxaa ku jirta 4 haween ah, halka 5 xubnood ee kale ay yihiin rag.

Xildhibaannadan ayaa waxaa laga sugayaa in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

Si kastaba, doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ayaa ku guuleystay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka horumarinta bariga Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News