Ra’iisul wasaare XAMZA oo loo gudbiyey dalab la xiriira dhacdadii BOOSAASO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomalaiya ku metela dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xamza Cabdi Barre, iyaga oo kala hadlay dhacdadii Boosaaso.

Kulankaan oo ahaa mid ay saxaafaddu dibad-joog ka aheyd ayaa waxaa diirradda lagu saaray dagaalkii ka dhashay is hortaaggii lagu sameeyey xildhibaan Sacdiyo Yaasiin oo gargaar u waday magaaladaasi, balse dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada la kulmay Xamza ayaa ka dalbaday sidii dhaawacyada culus ay dowladda u keeni lahayd magaalada Muqdisho, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxa ay xiriir khadka taleefanka ah la sameeyeen madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo ugu baaqay in la qaboojiyo xiisadda ka dhalatay dhacdadaasi.

Xubnahaan baarlamaanka ku metela Puntland ayaa sidoo kale ku baaqay in wixii dhacay aan lagu xumeyn xiriirka haatan ka dhexeeya maamulka iyo dowladda dhexe.

Xaaladda Boosaaso ayaa maanta deggan, waxaase laga dareemayaa raadadka dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan illaa 10 qof.

Puntland ayaa mas’uuliyadda wixii dhacay ku eedeysay wafdiga ka socday dowladda federaalka oo ay sheegtay in aysan socdaalkooda kusoo wargelin xukuumadda Garowe, halka Marwo Sacdiya ay iyaduna ku dooday inay la hadashay madax ka tirsan maamulka.