25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

R/W Xamza oo maanta sameeyay arrin cajiib ah oo si weyn looga fal-celiyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo shalay kusoo laabtay Muqdisho kadib safarkiisii Laascaanood ayaa maanta sameeyay arrin kale oo cajiib ah, lana xiriirto doorashooyinka qof iyo codka ah.

Xamza ayaa maanta si lama filaan ah ku tegay xarunta ay ka socoto diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee degmada Shangaani, si u u qiimeeyo sida ay wax u socdaan.

Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdeen qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa kasoo muuqday safafka dhaadheer ee ay shacabka ugu jiraan ololaha diiwaan-gelinta ee uu wado guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyay sida ay wax ku socdaan, wuxuuna sheegay in dalka uu aaday qof iyo cod, awooddiina dib loogu soo celiyay shacabka.

Shalay waxaa sidaan oo kale isku diiwaan-geliyay Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Axmed Amiir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan ka codsaneynaa in ay is diiwaangeliyaan anigu waa kaas waa markii ugu horreysay ee aan is diiwaangeliyay oo aan doorasho u diyaar ahay” ayuu  shalay yiri guddoomiye Maxamed Axmed Amiir.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli weli siyaasiyiinta mucaaradka ay meel adag ka taagan yihiin hanaanka doorashada qof iyo cod taas oo uu ku adkeysanayo madaxweyne Xasan Sheekh, halka mucaaradka u arkaan mid laga leeyahay dano xukun dheereysi.

Dhinaca kale, fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaaraha, iyada oo su’aallo kala duwan laga keenay arrinta uu maanta sameeyay.

Hanad Yaasiin Sheekh: “Wadanka doorasho qof iyo cod ah ayuu aaday! Waan ku faraxsanahay in annaga dib noogula soo celiyo awoodda”.

Cabdijabaar Ibraahim Xaashi: “Dorasho qof iyo cod miyaa, haa , igu sawir?”.

Cali Bin Cali: “Fiicnaan laheedaa in igu sawirta laga rebo baahasha ee safka uu cadalad u galo RW Xamza”.

Cabdullahi Yare Daahir: “Maxaa dalka qiyaali ka socdaa Aadan Yabaal oo saddex sano ka hor la xoreeyeyayaa saaka Al-Shabaab soo weerareen?”.

- Advertisement -

Read more

Local News