28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

R/Wasaare Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil toogasho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhaka (Caasimada Online) – Maxkamad qaabilsan dambiyada dagaalka oo ku taalla Bangladesh ayaa maanta oo Isniin ah ku xukuntay dil Ra’iisul Wasaarihii hore ee xilka laga tuuray Sheikh Hasina, taasoo soo afjartay maxkamadeyn muddo bilo ah socotay oo lagu helay inay amartay caburin dhimasho sababtay oo loo geystay kacdoon ay horkacayeen arday sannadkii hore.

Go’aankan ayaa noqonaya tallaabadii sharci ee ugu cuslayd ee laga qaado hoggaamiye hore oo reer Bangladesh ah muddo tobanaan sano ah, wuxuuna kusoo aadayaa dhowr bilood ka hor doorashooyinka baarlamaanka oo la filayo inay dhacaan horraanta bisha February.

Xisbiga Awami League ee Hasina ayaa laga mamnuucay inay tartamaan, waxaana laga cabsi qabaa in xukunka Isniinta uu hurin karo qalalaase horleh ka hor codbixinta.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (International Crimes Tribunal), oo ah maxkamad gudaha ah oo qaabilsan dambiyada dagaalka ee Bangladesh kuna taalla caasimadda Dhaka, ayaa xukunka ku dhawaaqday iyadoo amniga aad loo adkeeyay, isla markaana ay maqan tahay Hasina kaddib markii ay u baxsatay India bishii August 2024.

Hasina ayaa lagu xukumay xabsi daa’in oo la xiriira eedeymo ku saabsan dambiyo ka dhan ah aadanaha, iyo xukun dil ah oo loo cuskaday dilka dad badan intii uu socday kacdoonka.

Gudaha maxkamadda waxaa laga maqlayay mashxarad iyo sacab kaddib markii lagu dhawaaqay xukunka dilka ah.

Go’aankan ayaa rafcaan looga qaadan karaa Maxkamadda Sare.

Si kastaba ha ahaatee, wiilka Hasina ahna la-taliyaheeda, Sajeeb Wazed, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters habeenkii ka horreeyay xukunka inaysan rafcaan qaadan doonin ilaa ay xafiiska timaaddo dowlad si dimoqraadi ah loo doortay oo uu ka qayb galayo xisbiga Awami League.

Rabshadihii ugu xumaa tan iyo 1971

Intii ay socotay maxkamadeynta, xeer-ilaaliyaasha ayaa maxkamadda u sheegay inay heleen caddeymo muujinaya amarkeeda tooska ah ee ahaa in la isticmaalo awood wax disha si loo caburiyo kacdoon ay hoggaaminayeen arday bishii July iyo August 2024.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay, ilaa 1,400 oo qof ayaa la rumeysan yahay in la dilay intii ay socdeen bannaanbaxyada u dhexeeyay July 15 iyo August 5, 2024, halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen — kuwaasoo badankood ay waxyeelleysay rasaas ay rideen ciidamada amniga — taasoo noqotay rabshadii ugu xumayd ee ka dhacda Bangladesh tan iyo dagaalkii xorriyadda ee 1971.

Hasina waxaa u doodayay qareen difaac oo ay dowladda u magacawday, kaasoo maxkamadda u sheegay in eedeymaha loo haysto ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna codsaday in la sii daayo.

Ka hor inta uusan xukunku dhicin, Hasina ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymaha iyo caddaaladda hannaanka maxkamadda, iyadoo ku tilmaantay xukunka dembiga lagu helay mid “hore loo sii qaatay.”

Bangladesh ayaa ku jirtay xaalad kacsanaan ah ka hor xukunka, iyadoo ugu yaraan 30 qarax oo macmal ah ay dhaceen, halka 26 gaari la gubay guud ahaan dalka maalmihii lasoo dhaafay. Hase yeeshee, ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay dhacdooyinkaas.

“Xukun siyaasadeysan”

Hasina, oo 78 jir ah, kuna sugnayd India tan iyo markii xukunka laga tuuray bishii August 2024, ayaa shaki gelisay sharciyadda maxkamadda wareysi dhanka email-ka ah oo ay siisay Reuters bishii hore.

“Hannaankan waa mid u eg riwaayad siyaasadeysan,” ayay tiri. “Waxaa soo agaasimay maxkamado macmal ah, iyadoo xukunka dambiga lagu helayo uu yahay mid hore loo sii qaatay. Waxaa maamulaya dowlad aan la dooran oo ka kooban dadka iga soo horjeeda siyaasadda.”

Waxay sidoo kale sheegtay inaan la siinin ogeysiis ku filan oo ku saabsan dhageysiga dacwadda iyo wax fursad ah oo macno leh oo ay isku difaacdo, iyadoo intaas ku dartay inaysan si shakhsi ah ugu lug lahayn isticmaalka awoodda wax disha ama dambiyada kale ee lagu eedeeyay.

Dalkan dhaca Koonfurta Aasiya ee ay ku nool yihiin 170 milyan oo qof oo u badan Muslimiin, waxaa xukumayay maamul kumeelgaar ah oo uu hoggaaminayo ninka ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Muhammad Yunus, tan iyo markii Hasina ay baxsatay.

In kasta oo dalku uu ahaa mid degan inta badan xilligaas wixii ka dambeeyay, haddana xasillooni siyaasadeed ayaan weli soo laaban.

Wareysiga Reuters, Hasina ayaa ka digtay caro sii kordheysa oo ka dhex jirta taageerayaasha Awami League, waxayna sheegtay in malaayiin ka mid ah taageerayaasha xisbiga ay qaadici doonaan doorashooyinka baarlamaanka ee bisha February.

Maalintii Isniinta, amniga ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay guud ahaan Dhaka iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, iyadoo ciidamada sida militeriga u tababaran la geeyay hareeraha dhismayaasha muhiimka ah ee dowladda iyo xarunta maxkamadda.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen rabshad kasta oo dhacda xukunka kaddib.

- Advertisement -

Read more

Local News