Xamza oo war kasoo saaray DAGAALKA Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu labada dhinac ee isku haya ugu baaqay in deg deg u joojiyaan dagaalka.

Xamza ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, isaga oo ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadda, ayada oo dhinacayadu ay dhaqan-galinayaan xabad joojin.

“Waxaan aad iyo aad usoo dhaweynaynaa xabad-joojinta Somaliland ku dhawaaqday iyo Garaadada oo aqbalay, waxa aan leenahay si ay xabad-joojinta caga fiican ugu joogsato, si ay u noqoto mid hirgasha waxaa lagama maarmaan ah in ciidamada laga fogeeyo meesha ay joogaan oo dadka careysana laga fogeeyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

“Masiibada Laascaanood ka dhacday maxaa ku macneyna. Suurta-gal ma ahan in 35 sano kadib (1988-kii wixii ka dhacay gobolada waqooyi) ay dadkii reer Waqooyi ee Soomaaliyeed ay arkaan haddana nidaamkooda oo saddexdii sameynaya oo duqeynaya, dilaya oo qixinaya.”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku cel-celiyay in waajib ay tahay in dagaalka la joojiyo, islamarkaana labada dhinac ay wada-hadal u bedelaan xabada ay isku ridayaan.

“Carabtu maah-maah ay leeyihiin ayaa jirto oo la yiraahdo xalay iyo caawa isku eeka! waa nasiib darro, haddaan Soomaali nahay goorma ayaa ka gudbayna in xoog aan isku qancin karin meel-kastaba aan joogne. Waxa isku qancin karnaa waa in aan is hor-fariisano inaga oo walaalo ah taas kaliya isku qancin karna.”

Xamza ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyay dadaallada kala duwan ee la isugu soo dhaweynayo dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood, isaga oo tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay doorkooda ka qaadan doonaan.