Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ammaan ballaaran u jeediyay ciidamada ammaanka ee ka howl-gala magaalada Muqdisho, isagoo ku bogaadiyay sida ay u sugeen amniga caasimadda.
Xamse ayaa cambaareeyay mas’uuliyiinta qaar ee uu sheegay inay hadallo aan munaasib ahayn ku durayaan amniga Muqdisho, halka uu tilmaamay in xaaladda amni ee magaalada maanta ay tahay mid aad u wanaagsan.
“Ciidamada ammaanka waan bogaadinayaa, waxaana ka raalli-gelinayaa hadallada aan habboonayn ee kasoo yeeray dad mas’uuliyiin ah oo dalkaan xilal ka haya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Waxa uu intaas kusii daray: “Ciidamadu waxay si buuxda u xaqiijiyeen amniga 20-ka degmo ee caasimadda, waxaana habboon in loo mahadceliyo, ee aan lagu eedeyn ereyo dhaawacaya dadaalkooda.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka Muqdisho uu maanta marayo heerkii ugu sarreeyay, isla markaana ciidamada ay muujiyeen feejignaan iyo geesinimo lagu faano.
“Wasiir muddo toban maalmood ah dalka ka maqnaa ayaa markuu kusoo laabtay Muqdisho, ciidamadu way joojiyeen si ay u hubiyaan gaarigiisa, taasna waxay tusaale u tahay sida ay uga go’an tahay ilaalinta ammaanka muwaadiniinta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Dhanka kale, Xamza ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kaalintii muhiimka ahayd ee uu ku lahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
“Jabuuti waxay qabatay shaqo taariikhi ah. Waxay isu keentay dad Soomaaliyeed oo colaad kala dhexeysay, waxayna ku guuleysatay in ay dib u dhisaan dowladnimadeenna. Wixii kasoo baxay shirka Carta waxay ahaayeen natiijooyin muhiim ah oo Soomaaliya u horseeday rajo cusub,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Hadalkan ayaa imanaya xilli shalay magaalada Carta ee Jabuuti lagu xusay sanad-guuradii 25-aad ee dib-u-dhiskii dowladnimada Soomaaliya ee halkaas lagu aas-aasay sanadkii 2000.

