Rag hubeysan oo Macallin Jaamacadeed maanta ku dilay Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo burcad ah dil ka geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay marxuum Cismaan Axmed Macow oo ka mid ahaa howlwadeennada Jaamacadda Horseed oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa ahaa Hormuudka Kulliyadda Economic iyo Magement Sciences, sida lagu sheegay qoraal tacsi ah oo kasoo baxay maamulka sare ee Jaamacaddaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Macalinka ay dishay gacan ka xaq-darran, wuxuuna maamulka Jaamacadda uu Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa.

“Maamulka, Maclimiinta iyo howlwadeenada jaamacada Waxaa ay Tacsi Tiiranyo leh u dirayaan Hormuudka kulliyadd (Economic and Magement Sciences ) Ustaad Cusmaan Axmed Macow oo gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Mugdisho. Waxaan leenahay samir iyo iimaan Allah ha inaga wada siiyo qabrigiisana Allah ha u waasiciyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka sare ee Jaamacadda Horseed.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in sidoo kale marxuumka ay ka qaateen taleefan iyo sidoo kale agab kale oo uu watay, xilli uu marayey agagaarka suuq-yaraya Dharkenley.

Dhinaca kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo baaris ka sameeyey halkaas, balse ma jirto cid lagu soo qabtay.

Magaaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo dhac loo geysanayo shacabka ku dhaqan caasimada.