Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyadda C/weli Sheekh Axmed ayaa shalay markii ugu horeysay tan iyo intii uu xilka ka degay khilaaf dheer oo dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh kadib waxa uu ka dhoofay Muqdisho.
Cabdi Weli ayaa waxa uu gaaray oo uu iminka ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo kulamo kala duwan kula qaadan doono siyaasiyiin iyo waxgarad reer Kenya ah, saraakiisha dowladda Kenya, safaaradaha beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya daneeya iyo dhinacyo kala duwan oo aqoonyahano iyo siyaasiyiin isugu jira.
Socdaalka Ra’iisal wasaarihii hore ayaa sidoo kale la sheegay inuu ujeedkiisu yahay sidii uu taageero ugu heli lahaa isbaheysiga siyaasadeed ee uu hogaamiyo oo u taagan talada dalka dib loogu celin lahaa dadka Soomaaliyeed, waxaana magaalada Nairobi uga horeeya guddoomiye ku xigeenada madasha oo u gogol xaaraya socdaalka.
Madasha uu hogaamiyo C/weli Sheekh Axmed ayaa waxaa ku bahoobay aqoonyahano, Indheeragarad, Siyaasiin, Xisbiyada dalka ka jira iyo Kutlooyinkii Baarlamaanka, oo dagaal siyaasadeed ku haya Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.
Cabdi Weli ayaa beesha caalamka ka dhaadhicin doona inta uu jooga Nairobi xaqiijinta in Xasan Sheekh aan la siin wax waqti kordis ah xilli waqtigiisa uu ku eg yahay sanadka 2016.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]