Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii dalka Syria oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii dowladda Syria, ahna wasiirkii arimaha dibadda iyo qurba joogta ee dalkaasi, Dr. Waliid Al-Mucallim ayaa geeriyooday, sida ay shaacisay saaka oo Isniin ah wakaaladda wararka ee SANA.

Dr. Waliid ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu fir fircoonaa xisbigii Al- Bacath ee mudada nus qarniga ah hoggaaminayey dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu caan ku ahaa qabashada shirarka jaraa’id ee uu ku difaaci jiray aragtida siyaasadeed ee xisbigiisa, isagoo hoos ugu dhigi jiray afkaar kasoo hor jeeda.

Wuxuu ku dhashay Walid Al Muallem magaalada Dimishiq ee caasimadda Syria July 17,1941-kii, wuxuu waxbarashadii illaa dugsiga sare kaga baxay magaalada Dimishiq.

1963-kii wuxuu Shahaadada B.A Jaamacadda gaar ahaan cilmiga dhaqaalaha ka qaatay Qahira University ee dalka Masar,1964-kii wuxuu ka mid noqday howlwadeennada arimaha dibadda ee Syria.

Dhammaadkii lixdamaadkii iyo billowgii todobaatanaadkii wuxuu ka soo mid noqday ergada diblomaasiyiinta Syria u fadhiday Tanzania, Saudi Arabia, Espain & Ingiriiska.

1975-kii wuxuu noqday safiirka Syria ee dalka Romania, kadib wuxuu ku soo noqday dalkiisa halkaasi oo xilal kala duwan ka qabtay wasaaradda arimaha dibadda.

1990-kii wuxuu noqday safiirka Suuriya u fadhiya dalka Maraykanka xilkaasi oo uu hayay illaa 1999-kii.

Sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay kaaliyaha wasiirka arimaha dibadda, wax yar kadibna wuxuu noqday wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, xilkaasi ku xigeenkana wuxuu hayay illa 2005-tii.

Diblomaasi Sare Walid Al Muallem wuxuu noqday wasiirka arimaha dibadda iyo qurba joogta ee Syria sanadkii 2006-kii xilkaasi oo uu hayay illaa uu ka geeriyoodo.