Ra’iisul Wasaare Saacid oo u ballan qaaday shacabka 11 qodob.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia C/qaadir Faarax Shirdoon, ayaa shaaca ka qaaday qodobo dhowr ah uu xooga saari doona ama uu sameyn doono inta uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka.

Shirdoon ayaa u ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed in arrimaha ugu waawayn ee uu xooga saarayo afarta sano ee soo socta inay tahay:-

1 – Hagaajinta ammaanka.
2 – Ku soo celinta dadka bara kacay guryahooda.
3 – Bixinta adeegyada bulshad.
4 – Dib u noolaynta dhaqaalaha qaranka.
5 – Abuuridda jawi wanaagsan oo maalgashi.
6 – La dagaalanka musuqmaasuqa, xag jirnimadda, argagixisanimadda iyo burcad badeedda.
7 – Hagaajinayo nidaamka garsoorka
8 – Dhisidda dawlad tayo leh.
9 – Sii wadidda dib-u-heshiisiinta qaran.
10 – Iaalinta midnimada Soomaaliya.
11 – Dib usoo celinta dawrkii Soomaaliya ee masraxa caalamka.

Ra’iisul wasaare Shirdoon ayaa sidoo kale yiri “Dawladaydu waxay ka shaqayn doontaa in ay dhisto xidhiidh ku dhisan wada shaqayn iyo is ixtiraam la geesood ah oo ku aaddan waddamada dariska ah iyo beesha caalamka,”

“Dib ayaan u hindisi doonaa dawrka Soomaaliya ee caalamka iyo urur gabaleedyada ay Soomaaliya xubno ka tahay si aan u soo celino sharaftii iyo maqaamkii Soomaaliya ee masraxa caalamka.”

Shirdoon ayaa la rajaynayaa in uu dhiso golohiisa wasiiro maalmaha soo socda. Dastuurka Soomaaliya ayaa siinaya ra’iisul wasaaraha 30 maalmood si uu u soo dhiso gole wasiiro uuna hor keeno baarlamaanka si loo ansaxiyo.