28.3 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta u ambabaxay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa saaka u ambabaxay dalka Marooko, safar uu kaga qayb-galayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays.

Madashan oo sanadkan ay ka qeybgelayaan wufuud ka socota 120 dal, ayaa waxaa martigelinaya Boqorka Marooko. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya.

Khudbaddiisa ayaa sidoo kale taaban doonta dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso amniga gudaha, dowladnimada, iyo howlaha socda ee isbeddelka lagu hirgelinayo.

Inta uu joogo Marooko, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda ka soo qeybgalaysa shirka, si uu uga wada hadlo arrimo labada dhinac u dan ah.

Sidoo kale, madaxda sare ee dalka Marooko ayaa qorsheynaya inay qaabilaan Ra’iisul Wasaaraha, kulamadaas oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal.

Shirka MEdays oo sanadkan gaaray qabashadiisii 17-aad, ayaa diiradda saaraya isbeddellada siyaasadeed ee caalamka ka socda, mustaqbalka amniga iyo dhaqaalaha, iyo sida dalalka adduunku isu dhexgeli karaan.

Martida shirka ka qaybgalaysa ayaa ka imanaysa qaaradaha Afrika, Aasiya, Laatiin Ameerika iyo jasiirado kale, kuwaas oo daneynaya doodaha muhiimka ah ee madashan lagu soo bandhigo.

- Advertisement -

Read more

Local News