Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay laba agaasime wasaaradeed oo cusub, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisaa, taas oo goordhow la baahiyay.
Xamza ayaa wareegtada uu soo saaray ku magacaabay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta iyo wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Mudane Faarax Cabdinuur Axmed ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta, halka Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar isna loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda.
Agaasimeyaasha cusub ayaa sidoo kale al faray in si deg-deg ah xilalka ula wareegaan, isla markaana ay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale uu Ra’iisul wasaaraha u magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka ee XFS, waxaana xilkaas loo dhiibay Mudane Maxamed Xasan Cabdulle.
Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddal wayn ee ay waddo xukuumadda DanQan oo saddex sano jirstay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.
Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogelinay, waxna ka qabtay arrimahaasi.
Xeeladdii Xasan Sheekh ee Kismaayo


