Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa agaasimaha guud ee arrimaha caddaaladda ee wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka u magacaabay Mudane Axmed Xasan Yuusuf.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegtada uu Soo saaray sidoo kale Mudane Axmed Xasan kula dardaarmay inuu la yimaado hufnaan iyo xil-gudasho.
Maalmo kahor Xamza ayaa sidaan kale u magacaabay Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo), kaas oo noqday Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga bilaabo maanta.
Saxansaxo oo ah suxufi caan ah ayaa horay uga soo shaqeeyay Villa Soomaaliya iyo sidoo kale Jubbaland, waana nin dhalinyaro ah oo leh qibrad sare.
Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo loo magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow.
Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddalka wayn ee ay waddo xukuumaddiisa oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.
Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

