27.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamza: Sooomaaliya mustaqbalkeeda waxaa fure u ah…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in si dalkeennu mustaqbal u yeesho ay fure u tahay in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan loo abuuro.

Xamza ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 10-aad ee ka soo wareegtay ku biiristii Soomaaliya ee Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC) ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay xaaladda carruurta Soomaaliyeed, halista ay wajahaan, iyo duruufaha adag ee weli caqabad ku ah korriinkooda, badqabkooda iyo helitaanka xuquuqdooda aasaasiga ah.

“Dhibaatooyinka haysta ilmaha Soomaaliyeed waxaa kamid ah tahriibka oo ay dhibaatooyin badan ku haystaan badaha iyo saxaraha; marin-habaabinta argagixisada; qabyaaladda; daroogada; iyo ku shaqaysashada carruur aan qaan-gaarin oo la rabo in mustaqbalka looga dilo,” yuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay sida ay uga go’an tahay xukuumadda Dan-Qaran ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyada oo la sameeyey shuruuc iyo siyaasado muhiim ah oo dhowraya xaqa ay leeyihiin.

Waxa uuna xusay mudnaanta ay leedahay in la xaqiijiyo in dhammaan ubadka Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh iyo adeeg caafimaad oo habboon.

“Waxaa noo muuqatay haddii ilmuhu waxbarasho la’aan yahay, in ay la mid tahay dalka oo aan mustaqbal lahayn, si dalkeennu mustaqbal u yeesho, waxaa fure u ah in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal loo abuuro oo ay helaan waxbarasho iyo barbaarin wanaagsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Wasaaradda iyo Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Aadanaha Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, dadaalka ay ugu jirto horumarinta iyo difaacidda xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Waxa uuna ku boorriyay dhammaan hey’adaha dowliga ah, bulshada rayidka ah iyo hey’adaha caalamiga ah in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta iyo horumarinta ubadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News