25.6 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Rasaas laga maqlayo Gaalkacyo iyo Galmudug oo shaacisay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa xaalado cakiran laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo oo mideysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xirsi Yuusuf Barre oo ah Duqa degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, ayaa sheegay in amniga magaalada Gaalkacyo uu yahay mid rajo xumi ay ka taagan tahay, waxa uuna tilmaamay in gudaha magaalada laga maqlaayo rasaas goosgoos ah.

Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf waxa uu sheegay in inta badan magaalada Gaalkacyo ay tahay mid kala xirxiran oo waddooyinka qaar aan la marikarin, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in xiliyada qaar si lama filaan ah loo maqlaayo rasaas xoogan oo labada dhinac laga maqlaayo waxa uuna farta ku goday in amniga iyo Heshiiska ay wada galeen labada maamul uu yahay mid aan leysku haleyn karin.

Xirsi Yuusuf oo arrintaani ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Waxaan kamid ahay guddiyada Nabadda Magaalada Gaalkacyo iima muuqato dadaal lagu hirgalinaayo Heshiiska ay wadagaleen Galmudug iyo Puntland, waayo rasaas joogta ah ayaa wali laga maqlayaa magaalada Gaalkacyo labada dhinac”

”Waddooyinka iyo suuqyada qaar wali wey xiran yihiin waxaana cadeynayaa in amniga Gaalkacyo uu yahay mid aan leysu haleynkarin”

Sidoo kale, Duqa degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre, ayaa sheegay in shacabka magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwo ku dhiban Waddooyinka iyo Goobaha waxbarashada.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili dhawaan Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Puntland ay kala saxiixdeen Heshiis Xabad joojin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News