Rasaas weli laga maqlayo Hotel Villa Rays iyo howlgal culus oo socdo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar in ka badan 10 sacaadood qaatay oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha Hoteelka Villa Rays oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow ee xayn-daabka madaxtooyada.

Weerarka ayaa weli socdo, waxaana rasaas laga maqlayaa dhismaha Hoteelka la weeraray oo ku yaallo meel amnigeeda, si weyn loo ilaaliyo, kuna dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ee dowladda oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka ayaa haatan howlgal culus ka wada Hoteelka Villa Rays oo ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib laba qarax oo lagu dhuftay albaabka hore ee dhismahan oo ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya welo kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan saacadaha qaatay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo maalmihii u dambeeyey kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha caasimada.

Booliiska ayaase shaaca ka qaaday in dad badan oo iskuugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka Villa Rays.

Dhinaca kale warar ay tebisay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa sheegaya in wasiirka amiga Soomaaliya Axmed Doodishe uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, balse saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegaya in saacadaha soo socdo ay soo afjari doonaan howlgalka, kadibna ay shaacin doonaan khasaaraha oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo deegaano badan kala wareegay kooxda.