- Dhaliisha kowaad, waxaan dhageystey barnaamijka falaqeynta jimcaha ee kabaxey idaacada January 25, 2013 kuna saabsanaa faaqidaada: siyaasada Maraykana ee ku aadan somaliya iyo waliba (Dual Track Policy) doodana waxaa kaqeyb qaadanayey aqoonyahana somaliyeed oo kala ahaa: Ciise Farax oo madax ka’ah arimaha batrooka ee Puntland, Dr Mohamud Mohamed Culusow oo ahaa gudoomiyhii hore ee bankiga dhexe ee somaliya iyo Dr Axmed Xusseen kana tirsan dhinca waxbarasha ee Gobolada Waqooyi Galbeed ee Somaliland. Doodana waxaa daadihinaayey (mediator) ka’ahaa wariye Abdi Casiis. falaqeeyntu waxey socotoba waxaa dhacdey in Ciise Farax oo kahadlaaya arinta Dual Track Policy iyo saameynta eey kuyeelan karto maamulda Puntland iyo Somaliland ayaa isagoo qancinaaya saaxiibkiis waa Dr Ahmed Xussen wuxuu yiri: Somaliland waan kuraacsanahey waxa eey gaareyn, Nabada dhina eeyka gaareyn, inta jeer ee doorasha xalaal ah qabsadeyn, Nabada eey sameeysteen waa wax lagu bogaadiyo, laguna faano! balse waxaa aad iyo aad iiga Qosliyey markuu yiri: anaga iyo iyaga waa (Puntlland iyo Somaliland) dhibaato ayaa naga dhaxeysa xadka ama borderka ah. mana a’aha wax aan isku diidanahey labada dowladood waxaana rabnaa inaan isla xalino arintaas (border dispute) ah. markaas ayaa waxaa hadalkii qaatey Dr Ahmed Xussen oo banoonigii uu saaxiibkiis usoo baasey (waa jambalkii) intuu xabadka saartey foorbiish kusoo celiyey oo yiri: waan laqabaa arintaas waana kuraacsanahey saaxiibkeey Ciise Farax hadalkaas waxaana naga dhexjira xoogaa XURJUF dhinaca xadka ah waana arin soojireyn ah oo waayo aduunkee kadhacdaa in laba dowladood eey xadka kumurmaan. arintaasana waxey kutusiineysaa in labada mas’uul ee isku raacsanyihiin iskuna marqaati fureen ineeysan jirin wax maamul ah oo u dhaxeeya islamarkaana ee inkirsanyihiin shirkii taariikhiga ahaa ee kadhacey Taleex iyo yagleelidii Maamul Goboledka Khaatumo State Of Somalia. wariyuhana dabcan uu kuraacsanyahey hadaladooda.
- Dhaliisha Labaad waxay tahey barnaajimkii ugu dambeeyey dhamaadkii sanadii hore waa maalintii ugu danbeeysey December 31, 2012 lagaga sheekeenaayey isbadalkii ugu weynaa ee siyaasada somaliya kadhacdey dhamaan wixii isbadal ahaa laga soobilaabo January illaa December 2012. markaas ayuu isla wariye Abdi Casiis wuxuu kasoo sheekeeyoba dhamaan isbadalkii dhacey ee dhinaca siyaasada somaaliya isagoo kasoo bilaabey Road Mapkii iyo kabixitaankii Dowladii KMG aheyd ee somaaliya, shirarkii kadhacey, Mogadishu, Goroowe 1, 2, Gaalkacyo, Addis Ababa, Nairobi, iyo kii ugu Weynaa ee Istanbul Turkey. wuxuu kaloo kasheeykeeyey imaatankii Magaalada Muqdisho ee Odayaasha Dhaqanka iyo Qabasoomidii shirkii Ansixinta Dastuurka, Doorashadii Afhayeeynka Barlamaanka, tii Madaxweynaha illaa dhameyskii Golaha fulinta ee Xukumada oo dhan. wuxuu kaloo wariyaha VOA kasoo sheekeeyey isbadalkii kadhacey Galmudud iyo Doorashadii halkaas kadhacdey, iyo waliba doorashooyinkii golaha deegaanka ee kadhacdey Somaliland. xittaa waxa kale uu wariyaha VOA xusey furashadii xisbiga Horseed ee Madaxweyne Faroole: balse waxey igu noqotey waxla yaabo (shocked) kadib markii wariyaha barmaajirka daadihinaayey uu si’ula kac ah (deliberately) iskago indho tirey Shirkii taariikhiga ahaa ee kadhacey Degmada Taleex iyo dhisitaankii Maamul-Goboleedka soomaaliyeed ee Khaatumo State.
Asadnaa Suudi
Columbus, Ohio
An Independent Analyst and Columnist.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan