Gaza (Caasimada Online) – Falastiiniyiinta ayaa haatan qorsheynaya sidii ay ugu dabaal-degi lahaayeen sii deynta Marwan Barghouti oo muddo dheer ku xiran xabsiyada Israel.
Mohammad Barghouti oo ah ina-adeerkiis, ayaa ka sheegay bannaanka masaajidka tuulada Kobar ee ku taalla Daanta Galbeed, oo qiyaastii 15 km waqooyi ka xigta Ramallah kaddib salaaddii Jimcaha inuu “hubo 80%” in Marwan dhawaan la sii dayn doono, taasoo ay si isku mid ah u rumaysan yihiin dhallinyarada deegaanka.
Barghouti ayaa loo arkaa “Nelson Mandela-ha Falastiin”, waxaana lagu tilmaamaa hoggaamiye mideeya bulshada.
Rejada sii kordheysa ee dadka deegaanka iyo qoyskiisa waxaa sabab u ah dadaallada nabadeed ee Gaza iyo hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Wareysi uu Trump siiyay Time Magazine toddobaadkii hore ayuu ku sheegay inuu ka fiirsanayo codsi uu Israel ku weydiisanayo in la sii daayo Barghouti, si uu u hoggaamiyo maamulka Gaza.
Magaca Barghouti ayaa ku jiray liiska ugu sarreeya ee toddoba maxbuus oo magac weyn leh oo Xamaas sii-deyntooda ku doonayso in lagu beddelo 20 maxbuus oo Israa’iili ah oo lagu hayay Gaza, balse Israel ayaa diiday.
‘Mideeyaha Falastiiniyiinta’
Walaalkiis, Moghbel Barghouti ayaa sheegay in Marwan uu yahay shakhsiga kaliya ee awoodi kara inuu mideeyo Falastiiniyiinta iyo Israa’iil: “Wuxuu mideyn karaa Falastiiniyiinta si uusan qof kale u qaban karin.”
Moghbel wuxuu xubin ka yahay maamulka Falastiiniyiinta, wuxuuna door muuqda ka ciyaaraa tuulada, isagoo hore uga tirsanaa guddiga maxaabiista.
Sida lagu sheegay ra’yi-ururinta la sameeyay, Marwan Barghouti oo 66 jir ah, weli waa siyaasiga ugu caansan ee Falastiiniyiinta.
Dhaq-dhaqaaqiisa siyaasadeed ayuu bilaabay isagoo 15 jir ah, xilligii uu ururka Fatax hoggaaminayay Yaasir Carafaat, isaga oo ololayn u galay qadiyadda Falastiin iyo xalka labada dowladood.
Waxa uu caan ku noqday hogaamintii Intifada-da labaad (kacdoonkii Falastiiniyiinta horraantii 2000), wuxuuna in ka badan labaatan sano ku qaatay xabsiyada Israel.
Israel ayaa 2002-dii ku eedeysay inuu aasaasay Guutada Shuhadada ee Al-Aqsa, taasoo ay sheegeen in ay fulisay weerarro dhimasho leh oo lagu qaaday askar iyo rayid Israa’iili ah. Barghouti eedeymahaas wuu beeniyay.
Sannadkii 2004-tii, maxkamad Israa’iili ah ayaa ku xukuntay shan xabsi daa’in iyo 40 sano oo xarig ah, iyadoo lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa weerarradaas.
Xaaskiisa Fadwa Barghouti, oo ah qareen Falastiini ah, ayaa sannadkii hore sheegtay in ninkeeda “aan lagu soo oogin eed muujinaysa inuu si toos ah uga qayb qaatay falalkaas,” balse lagu xukumay “maadaama uu ahaa hoggaamiye.”
Xukunka Barghouti ayaa noqday mid si weyn looga hadal-hayay, waxaana lagu tilmaamaa ninka ugu cadcad ee beddeli kara madaxweynaha maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas.
Barghouti ayaa ku baaqay in la gaaro heshiis nabadeed iyo xal laba dowladood ah oo ku saleysan xuduudihii ka horreeyay 1967-kii.
Inkasta oo dad badan oo Israa’iili ah ay diidan yihiin in la sii daayo, maadaama lagu helay dembiyo dil ah, haddana qaar kale waxay aaminsan yihiin in sii-deyntiisu ay noqon karto waddo nabadeed oo mideysa Falastiiniyiinta isla markaana soo celisa rajada heshiis waara.

