Rooble oo soo rogaal-celiyey – Maxaa ka dhacay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ahaan kula yeeshayErgeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan, kadib markii uu ergeygu booqasho ku tegay guriga Rooble.

Labada mas’uul ayaa salaan kadib iska  xog-wareystay marxaladda guud ee dalka iyo arrimaha muhiimka u ah horumarka dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Rooble iyo Swan ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda loo qabo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho xor iyo zalaal ah, isla markaana loo wada dhan yahay kuna qabsoonta waqtigeeda.

“Waxaa Maanta gurigayga igu soo booqday ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan.. Waxaan fursad u helnay in aan iska xog-waraysano marxaladda guud ee uu Dalku marayo iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta arrimaha muhiimka ah ee Dalka horyaala” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo a gaaro xilliga kala guurka la’isku qabtaa arrinta doorashooyinka, waxaana hadda doodda keenay qof iyo cod oo ay qorsheyneyso inay dalka ka qabato dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Ra’iisul wasaare hore ee Rooble iyo James Swan ayaa si weyn loogu xusuustaa kaalintooda ku aaddaneyd ka gudbiddii marxaladii adkeyd ee uu dalku galay iyo qabsoomiddii doorashadii ugu dheereyd ee gudaha dalka ka dhacday xilligii 2020-2022.