Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa falcelin caro leh kala kulmay qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo uu ku sheegay “in lala xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay dilka mid kamid ah ilaalada Xasan Cali Kheyre oo lagu dilay iska hor imaadkii shalay.”
Rooble oo saaka ka qeyb-galay aaska Allaha u naxariistee Liibaan Xaashi Ciise oo shalay lagu dilay iska hor imaadkii koobna ee mucaaradka iyo dowladda ku dhexmaray saldhiga Warta Nabadda ayaa sheegay in uu ku baxay weerar ay kusoo qaadeen ciidanka dowladda.
“Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo si gaar Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu la shaqeynayay. Kuwii ka dambeeyay dilka Liibaan iyo weerarkii nalagu soo qaaday, waa lagala xisaabtami doonaa fal-dambiyeedkaas,” ayuu Rooble ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Intaas kadib, qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa si caro leh uga fal-celiyay qoraalkiisa, iyagoo qeybta faallada ku weeraray hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Shacabka ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka wiilkaasi, iyagoo u adeegsaday ku tilmaamay “siyaasi daneyste ah”, maadaama iyagoo hubeysan ay tageen saldhig ciidan.
Axmed Naaji Sahal: “Fasax la’aan maxaa saldhig ciidan u booqateen adinka oo hubeysan?”
“Waxaad dooneysaan waa inaad dhiiga dhalinyarada ku gambataan saad danihiina u gaartaan, dhalinyaradu waa baraarugi doonaan Insha Allah,” ayuu yiri Samatar Axmed.
Axmed Shariif Ismaaciil: “Siyaasiyiin bilaa damiira oo dhalinyarada u adeegsanaya inay u isticmaalaan danahooda ayaad tihiin.
Allaha u raxmo wiilka.”
“Diyadiisa iska baxsha idinka kaar ahaan u isticmaalay naftiisa,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Axmed oo kamid ah dadweynaha ka fal-celiyay qoraalka Rooble.
Cabdiqani Sheekh: “Caruurtiini dibada ayey ayey raaxeysanayaan ee caruurta dadka masaakiinta ha leynina, caqli meesha kuma heysaane.”
Xasan Axmed ayaa isna yiri: “Waalidkiisa ayey geeridaas dhab u taabanaysaa. Waa wiil mustaqbalkii ay kaga ciyaareen siyaasiyiin kala dartay.”
“Ragii meeshaas geeyay ayaa ka masuul ah walaalkaas geeriyooday, rabi naxariistii jano ha siiyo. Mucaaradow ilmihiina xabada waad kala cararteen ee umadda wiilashooda ha ka dhameynina, Ilaaheey ka cabsada naga daaya foowdada aad Xamar la rabtaan nabadaan ku jirnaaye,” ayey tiri Farxiya Xasan.
Mahad Xasan Cabdulle: “Saldhiga markaad booqaneysaan ma isbitaal ayaad moodeen
waxaad noo sheegayso maxaa waaye Ra’iisul Wasaare.”
“Ceebtii igu weyneyd baad dhex fadhidaan in aad si bareer ah aad ugu duusheen
Xarumo dowladeed, waa indha adeeg iyo wax laga xishoodo. Hada runtii inaad ilmahiina dibadahas geysataan kuwa kalena aad dhahdaan na difaaca xarumaha dowlada aan ku duuleeynaa waa foolxumo iyo sumcad xumo tii ugu darneed Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Xamdi Axmed Faarax.
Aweys Saciid ayaa sidoo kale waxa uu yiri” Waligay ma arkin tacsi siyaad laga dhex radinaayo.”

