26.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

William Ruto iyo Cirro oo kulmay iyo xogta qodobada laga wada-hadlay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Kenya, Dr. William Ruto.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, arrimahaasi oo qaarkood ay shaacisay Madaxtooyadda Somaliland.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka diyaaradaha.

Sidoo kale waxay diirada saareen xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

Intii uu socday kulanka labada madaxweyne waxaa kale oo looga hadlay iskaashiga waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

“Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya,” ayaa lagu yiri bayaan ay Madaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kulanka.

Kulanka madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya ayaa ku qotoma sida ay Madaxtooyadda sheegtay “taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada.”

- Advertisement -

Read more

Local News