Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitriy Medvedev ayaa sheegay in “dalal badan” ay diyaar u yihiin inay siiyaan Iran madaxyo hub nukliyeer ah, kaddib weerarro Maraykanku ku qaaday xarumo nukliyeer oo Iran ku yaalla goor hore oo Axaddii ah.
Qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter), Medvedev wuxuu ku tilmaamay weerarradii Mareykanka ee lagu bartilmaameedsaday saddex goobood oo kala ah Isfahan, Natanz, iyo Fordow inay noqdeen kuwo keena natiijo ka duwan tii uu doonayay madaxweyne Donald Trump.
“Habka bacriminta maadada nukliyeerka — waxaan hadda si toos ah u oran karnaa: soo saarista hubka nukliyeerka mustaqbalka — way sii socon doontaa,” ayuu yiri Medvedev.
Medvedev wuxuu intaas ku daray in “dalal badan ay si toos ah ugu diyaar garoobeen inay Iran siiyaan madaxyo hub nukliyeer ah oo ay iyagu leeyihiin.”
Medvedev oo tan iyo 2020 ah ku-xigeenka Guddoomiyaha Golaha Ammaanka Qaranka ee Ruushka, wuxuu sidoo kale sheegay in “nidaamka siyaasadeed ee Iran uu ka badbaaday weerarradaas — xitaa suuragalnimadu ay tahay inuu sii xoogaystay.” ]
Wuxuu intaa ku daray in shacabka Iran ay hadda “ku mideysan yihiin hoggaanka ruuxiga ah ee dalka, xitaa kuwa horey uga aamusnaa ama kasoo horjeeday.”
Medvedev ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu bilowday dagaal cusub markii uu weeraray Iiraan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sidoo kale Axaddii si adag u cambaareysay weerarrada Mareykanka uu ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran.
“Go’aanka masuuliyadda ka fog ee lagu beegsanayo dhul ay leedahay dawlad madax bannaan iyadoo la adeegsanayo gantaallo iyo duqeymo cirka ah — xitaa haddii ay jiraan dood uu Mareykanku u soo bandhigo — wuxuu si cad uga hor imaanayaa sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan gardarrada oo ay kordhiyaan dadaallada dib loogu soo celinayo xaaladda xalka siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed,” ayaa lagu daray.
Kremlin-ka, oo iskaashi istiraatiiji ah la leh Iiraan isla markaana xiriir dhow la leh Israa’iil, ayaa si isdaba-joog ah ugu digay Washington in weerarrada Mareykanka ee Iiraan ay gobolka oo dhan u ridi doonaan “god mugdi ah.”
“Trump, oo ku yimid madaxweyne nabad-doon ah, ayaa dagaal cusub u bilaabay Mareykanka,” ayuu yiri Dmitry Medvedev, oo hadda ah ku xigeenka guddoomiyaha Golaha Amniga ee Ruushka, isagoo intaas ku daray in “guul noocan oo kale, Trump uusan ku guuleysan doonin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel (Nobel Peace Prize).”
“Nidaamka siyaasadeed ee Iiraan waa bad-baaday, waxaana aad u badan tahay inuu xoogeystay,” ayuu yiri Medvedev. “Dadku waxay ku midoobayaan hoggaanka ruuxiga ah, xitaa kuwa aan markii hore la dhicin.”
Medvedev wuxuu kaloo sheegay in kaabayaasha nukliyeerka ee Iiraan aysan u muuqan inay saameeyeen weerarradii Mareykanka, iyo in Mareykanku uu halis ugu jiray in lagu jiido hawlgal dhulka ah.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si isdaba-joog ah u soo jeediyay inuu dhexdhexaadiyo Mareykanka iyo Iiraan, inkastoo madaxa Kremlin-ku uu toddobaadkii hore diiday inuu ka hadlo suurtagalnimada in Israa’iil iyo Mareykanka ay dilaan Khamenei.
Putin wuxuu sheegay in Israa’iil ay Moscow siisay dammaanad qaadyo ah in khubarada Ruushka ah ee gacan ka geysanaya dhismaha laba reactor oo kale oo ku yaalla warshadda korontada nukliyeerka ee Bushehr ee Iiraan aan waxyeello ka soo gaarin weerarrada cirka.
Inkasta oo Moscow ay hub ka iibsatay Iran si loogu adeegsado dagaalka Ukraine, isla markaana ay sannadkan horraantiisii kala saxiixdeen heshiis istiraatiiji ah oo soconaya 20 sano, xiriirka labada dhinac ayaa taariikh ahaan ahaa mid marar badan mugdi galay tan iyo qarnigii 16-aad markii boqortooyadii Muscovy ay si rasmi ah xiriir ula samaysay Boqortooyadii Faaris.
Gudaha Ruushka, waxaa kordhay baaqyada loo jeedinayo Kremlin-ka si uu u garab istaago xulafadiisa, una siiyo Iran taageerada uu Mareykanka siiyo Ukraine – taasoo ay ka mid yihiin nidaamyada difaaca cirka, gantaallada iyo xogaha dayax-gacmeedka.
“Waa waqtigii aan Tehran caawin lahayn,” ayuu yiri ganacsade Ruush ah oo lagu magacaabo Konstantin Malofeyev. “Isla markaasna, waxaan u bandhigi karnaa Mareykanka iyo Iran dhexdhexaadin diblomaasiyadeed iyadoo loo magacaabayo ergay gaar ah oo arrintan u xilsaaran. Labada dhinacba way ciyaari karaan ciyaartan.”
Halgamaa Ruush ah oo xiran oo lagu magacaabo Igor Girkin ayaa isna sheegay in haddii aan la garab istaagin Iran, Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeyn doonaan ilaa ay ku celiyaan “xilligii jaahiliyada”, taasoo keeni doonta fowdo baahsan.
“Haddii Iran aysan helin taageero dhab ah oo ka timaadda xulafadeeda, sida Ruushka iyo Shiinaha – oo noqon karta mid weyn oo xooggan – markaa, dhanka kale, waxaa suuragal ah in muddo bil gudaheed ah, cadowgeedu uu gaari doono yoolkiisa,” ayuu ku qoray Girkin bartiisa Telegram.