25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

RW CC oo arrimo khaas ah kala hadlay Marocco

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Cumar C/rashiid Cali oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan aan caadi aheyn la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee Morocco.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Wasiirka kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay xiriirka labada dal iyo in Marooko ay ka qeybqaadato xaqiijinta amniga Somalia.

Ra’isul wasaare Cumar waxa uu tilmaamay in Somalia iyo Morocco uu ka dhexeeyay xiriir fog, sidaa aawgeedna ay lama huraan tahay in dib loo soo celsho xiriirka labada dal.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Marooko ayaa sheegay in Morocco ay muhiim u tahay ka-qaybgalka horumarinta iyo la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya iyo guud ahaanba gobolka.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa ballanqaaday in kaalin muhiim leh ay ka qaadan doonaan xaqiijinta amaanka Somalia iyo in qeyb ay ka noqdaan Dowladaha Somalia garabka siiya.

Docda kale, Ra’isul wasaare Cumar ayaa rajo ka muujiyay in Dowlada Morocco ay Jawaab degdeg ah ka bixin doonto codsiga ay u gudbisay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News